Soomaali lagu dilay dalka Canada oo la baadhayo

0
593

EDMONTON—(Dawan)- Booliska magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa wada baadhitaan la xidhiidha ciddii ka dambeysay dilka wiil Soomaali ah oo habeennimadii Salaasada ka dhacay waqooyiga magaalada Edmonton.

Sidoo kale wiil Soomaali ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi, kaasoo hadda lagu daweynayo CIsbitaal ku yaalla magaaladaasi.

Booliska magaalada Edmonton ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyay ay kordheen is rasaaseyn la xidhiidhta aargudasho, balse ma aysan caddeyn in weerarka lagu dilay wiilka Soomaaliga ah, kan kalena lagu dhaawacay uu arrinkaasi la xidhiidho.

 

Leave a Reply