Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka oo ka Warbixisay Khasaarihii ay Geysatay Duufaanka Geti

0
519

Hargeysa (Dawan)Hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Qaranka Somaliland, ayaa ka warbixisay khasaare kala duwan oo ay geystay duufaanta Geti, khasaarahaas oo u badan xoola nool, iyo guryo dumay.

Khasaaraha dufaantu geystay ayaa ka kala dhacay gobollada Sanaag, Badhan, Saaxil, tirade guud ee xoolaha ku leeday duufantan ayaa dhan 945, neef oo xool ah, sideed iyo toban guri, laba laash iyo shan iyo soddon shabakadaha kalluumeysiga ah oo ay qaaday.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo keydka raashinka Qaranka oo dhammeystiran ayaa u dhignayd sidan.

Sida aynu Ka War Qabno 19 November waxa kasoo kacay Waqooyiga Badeweylnta Hindiya iyo Gacanka Carbeed Duufaanta Loogu Magac Daray GATI taas oo ay Shaaciyieen Hay’adaha Saadasha Hawadda ee ay ka mid tahay NASA, World Meteorological Organization (WMO) iyo kuwo kale. Ka dib Markii ay Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinku ka war heshey Duufaantaas, waxa ay soo saartey 22 Bisha November Digniintii koowaad oo ay ugu digayso Dadka Xeebaha degen, Kaluumaysatadda Badda ku jirta, iyo Shacabka Somaliland oo dhan in ay Ka Feejignaadaan roobaab Dabaylo wato oo Duufaantaas ka Dhalan karra.

Duufaantaasi waxay Saameyn u Geysatey Deegaanadda Xeebaha Somaliland. Meelaha ay waxyeeladda u Geysatey Roobaabkii ka Dhashey Duufaanta wax ka mida Xeebaha Sanaag iyo Saaxil. Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka iyadoo ka duulaysaya Waajibeedkeeda Shaqo, Waxay u Kuur gashey Khasaaraha ka dhashey roobabka ay Keentey Duufaantu. Waana sidan Warbixinta Khasaaraha oo Hor-dhac ah.

• 500 neef ayaa ku dhintey Deegaanka Xaadh oo hoos yimaada Erigaabo.
• 350 Neef ayaa ku dhintey Deegaanka Cabaydh oo hoos yimaadda Degmadda Las-qorey
• 95 neef ayaa ku dhintey Deegaanka Maax ee Gobalka Sanaag
• 11 Guri ayaa ku Dumay deegaanka Maax, ee Gobalka Sanaag.
• 7 Guri ayaa ku Dumay Degmadda Maydh iyo Deeganadda Hoos yimaada sida Madar-Mugge, Ceel Dibir, iyo Rugey.
• Waxa Go’ay Buundadda Waddadda isku Xidha Xiis iyo Maydh
• 2 Laash ayaa ku Burburey Degmadda Xiis
• 35 Shabaakta Kaluumaysiga ayaa ay Qaadey Duufaantii.
• Waxay Biyo Galeen Guryo Badan oo Magaaladda Berbera.
• Waxa Dumay 2 Guri Degmadda Berbera
Inkastoo ay Khasaare Keentey Duufaanta GATI, hadanna ilaahay waa u Sahley Dadka Marka loo eego Saadaashii la Filanaayey. Dhinca kale, Digniintii ay bixisey Hay’adda U Diyaar garowga 22 Bisha November, waxay ahayd mid Faa’ido leh, taas oo Kaluumaysto Badan oo Badda ku Jirey Laga Soo Saarey, oo Waxyeelo Naf iyo Maalba ah u Gaysan lahayd, Bulsho badan oo Xeebaha Ku Noolina ay ku Feejignaan Qaateen.

Hay’adda U Diyaar Garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinku Waxay U Mahadcelinaysaa Badhaasabadda Gobaladda Sanaag, Saaxil, Salel iyo Awdal, Mayor-da iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Tuulooyinka Deegaamadda Xeebaha ku Teedsan, iyo sidoo kale Ciidanka Ilaaladda Xeebaha, Ciidamadda Qaranka iyo Bilayska, Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo kalluumaysiga oo Dhamaantood ka Qayb Qaatey Ka Diyaargarowga Duufaanta GATI.

Ugu Danbeyn, Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinku iyo Kaydka Raashinka Qaranka Waxay ugu Baaqaysaa Hay’addaha Dawliga, Kuwa Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ahba in ay Ka Qayb Qaataan Hawlaha Loogu Gar-gaarayo Dadkaas Waxyeeladdu Soo Gaadhey.

Leave a Reply