Guddoomiye Xinif oo Dhallinyaro Tahriib ka soo Noqotay oo la Maalgeliyay Waano Dhaxal-gal ah u Guntay

0
409

Hargeys (Dawan) Guddoomiyaha  hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland mudane Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif ayaa dhallinyaro tahriib ka soo noqotay oo maalgelin shaqo abuur loo sameeyay faray dardaaran adag iyo waano dhaxalgal ah, kuna guubaabiyay in aanay mar labaad waalidkood ka nixin oo aanay marin jidkii ay hore ugu lumen.

Dhallinyaradan tahriibka laga soo celiyay oo ay sida wada jira u gacan qabteen hay’adda Qaxoontiga iyo barakacaayasha Somaliland iyo hay’adda IOM, tiradoodu dhammeyd sagaal iyo toban ayaa la guddoonsiiyay lacago ay ganacsiyo kala duwan ku abuurtaan, taas oo ay hore ugu balanqaadeen.

Munaasibad loo qabtay guddoonsiinta dhallinyaradaasi oo ay ka soo qayb galeen waalidiintoodu madaxda, hay’adda qaxoonta iyo barakacayaasha Qaranka, masuuliyiin ka socday hay’adda IOM, ayaa dhallinyarada lagula dardaarmay in ay ka midho dhaliyaan ganacsiyada kala duwan ee loo abuur, laguna booriyay in ay horumar sameeyaan oo ay dalkooda ka shaqeystaan.

Ugu horeyn guddoomiye Xinif oo dhallinyarada la hadlayay waxaa uu yidhi.  “Waanu ka hawlgalnay illaa iyo maanta ilaa iyo maalintii la soo celiyay carruurtan Tahriibtay, waxaanu ILLAAHEY ugu mahad naqaynaa wixii aanu ballanqaadnay annaga iyo hay’adda IOM, in aanay nagu beenoobin, ILLAAHEY ayuunbaanu  ugu mahadnaqaynaa, 23 ayaa loogu tallo galay afar waa ay maqan tahay, sagaal iyo toban dhallinyaro ah oo loogu talo galay in la siiyo lacag kaash ah oo qof waliba waxaa uu isagu soo gudbistay ee uu doonayay in uu wax ku qabsado loo soo qiimeeyay, oo iyada oo intii lagu soo qiimeeyay ah, halkan lagu siinayo, oo aan la odhaneyn waa lagu soo diri doona iyada oo waalidkood-na ka markhaati yahay ayaanu halkan ku siinay”.

“Waxaa aan kula dardaarmaya dhallinyarada innamo ayaad u badan tihiin haddii aydaan wada aheynba, hooyooyinkiina halkaa fadhiya ayay dhibtu ku dhacday, annagana nagumey dhicin, IOM-na kumay dhicin, aabayaashiin badankoodana kumay dhicin, haddii aydaan agoonba u badneyn, hooyooyinkiin ayay ku dhacday, oohintu hooyooyinkiin ayay ku dhacday, intii ay faraqa ku haysay ka furisteedu hooyooyinkiin ayay ku  dhacday, hadday dhul yar laheyd iibinteedu hooyooyinkiin ayay ku dhacday, hadday aqal yar oo kirada kaga bixiso ku jirtay iibintiisu hooyooyinkiin ayay ku dhacday, oo dad aanay waxba weydiin jirin weydiinteeda ay ku dhiiratay oo ay hor istaagtay”

Waxaan idinka codsanaya  oon ILLAAHEY idinku dhaarinayaa waxaa yar waalidkiin yaanay idinku habbaarin, oo isku ciil kaanbiyin mar kale”

Liibaan Maxamuud Ciise oo ka mida maasuuliyiinta hay’adda IOM xafiiskeeda Hargeysa, oo ka hadlayay kaalmaada carruurtan la siiyay ayaa yidhi. “Mashruucani waa ay ka faa’ideysteen, ujeedaduna waxaa ay aheyd dhallinyarada tahriibtay ee ama Liibiya jooga, ama Sudaan jooga, in dalkoodii lagu soo celiyo loona sameeyo shaqo abuur, loona siiyo wixii ay ka qabsan karraana ay ka qabsadaan”

 

Leave a Reply