Guddoomiyaha gobolka Hawd oo Soo kormeeray Goobaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
548

Balli Gubadle (Dawan)  Guddoomiyaha gobolka Hawd Axmed Maxamed Cige, ayaa maanta soo kormeeray goobaha ay ka socoto diiwaangelinta kaadhka codbixinta ee degmada Balli-gubadle.

Guddoomiyaha ayaa  kormeerkiisa ugu kuurgalayey sida ay diiwaangelintu uga socoto gaabahaas, isaga oo warbixino ka dhageystay hawl-wadeenada deiiwaangelinta ee goobahaasi.

Waxayna hawl-wadeenadu guddoomiyaha u sheegeen in ay goobaha qaar ka jirto cilad dhanka farsamada ah, iyada oo ay hawl-wadeenada farsamada ee hawshaas u xilsaarnaana ku hawlan yihiin sidii ay u xalin lahaayeen ciladahaas.

Dadweynaha ku nool degmada Balli-gubadle, ayaa si weyn ugu soo baxay diiwaangelinta kaadhka codbixiyeyaasha oo maalintii labaad ka socota gobolka Hawd iyo qaar ka mid ah degmooyinka dalka.

Leave a Reply