Xildhibaan  ku Baaqay  Qaadashada  Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.

0
596

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan  Mukhtaar  Maxamuud  Diirqadhaadh  oo ka  mid ah  Mudanayaasha  Golaha Guurtida Somaliland ayaa  ka hadlay ahmiyada ay dalka u leedahay  Qaadashada Kaadhka  Diwaangalinta Codbixiyayaasha.

Xildhibaan  Diirqadhaadh  oo  u Waramayay  Wargeyska  Dawan  ayaa waxa  uu  soo dhaweeyay  Diwaangalinta  Codbixiyayaasha  oo  Shalay ka bilaamatay qaar ka mida Gobalada dalka,waxaana uu tilmaamay muhiimada ay u leedahay dalka.

Xildhibaan Diirqadhaadh  oo Arimahaasi  ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxaana Shacabka Somaliland ugu Baaqayaa in ay ka qaataan  Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha  waana in dadku ka Faa,iidaystaan waana muhiim waxaana aan   soo dhawaynayaa in mar labaad  la bilaabo  Diwaangalinta Codbixiyayaasha,waayo dad badan ayaa Qaangaadhay oo Barigii hore aan qaadan  Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo aan Qaangaadhin  Barigii hore ee Diwaangalinta la qabtay.waxa kale oo jira dad badan oo Wakhtigi u saamixin in is Diwaangaliyaan,markaa dib u furista Kaadhqaadashada Diwaangalinta Codbixiyayaasha waxa ay Fursad u tahay cidii aan Qaadan Kaadhka,”.

Xildhibaan Diirqadhaadh ayaa waxa uu Sheegay in Diwaangalinta Codbixiyayaasha tahay waxa ugu muhiimsan ee Umadda xaqa u leedahay in ay qaadato.waxaana uu yidhi”Kaadhka  Diwaangalinta Codbixiyayaasha waa  waxa ugu muhiimsan ee  Umadda xaqa u leedahay in ay  qaadato Dastuurka waxa ku yaala Qof kastaa waxa  uu  xaq u leeyahay in Codeeyo,waana waxa kaliya ee Qofku   ku dooran  karo  cida dalka Hogaaminaysa ee uu  Aaminsanyahay  taas oo Mustaqbalka dalka ka muuqan doontaa,”.

Sidoo  kale Xildhibaanku ayaa waxa uu usoo jeediyay Shacabka Somaliland  in si Nabedgalyo ah  u Qataan  Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.waxaana uu yidhi”Dadka  reer  Somaliland  waxa aan  leeyahay Nabedgalyadiina ilaashada  oo  si  Nabedgalyo ku  Qaata   Kaadhka  Diwaangalinta  Codbixiyayaasha,waana  waxa  ugu  muhiimsan Nabedgalyadu  Xaalada Nabedgalyo ee dalku waa Wanaagsan tahay,”.

Leave a Reply