Guddoomiyaha Xisbiga UCID Iyo Wefi Balaadhan Booqday Goobaha Diwaangelinta ee Gabiley iyo Arabsiyo

0
502

Gabiley (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Faysal Cali Waraabe’  ayaa kormeeray goobaha diwaangelintu ka Bilaabantay ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo ku yaala oo saaka ilaa shalay si habsamiya bulshada deegaamada ku nool isaga diwaangelinayaan,  si ay  u qaataan Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland ee horaanta sannadka 2021-ka Somaliland ka qabsoomi doonta.

“Reer Gabileyoow Murashaxiinta Qabyaalad haw  eegina  ee Quruxdiinu waxay Ku jirta Markaad Iska horaysiisaan Ka Samaroonta’ Ka Akishaa iyo Ka Madigaanka ah…”Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye  Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti balaadhan oo Xisbiga UCID ka tirsan oo hawlo shaqo gobolka Gabiley Ku joogo’ ayaa  kormeeray Goobaha Sanaaduuqda Diwaangelinta Codbixiyayaasha ee Magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo oo  maalintii 2-aad ay  Kuyuuga ku jiraan shacabka deegaanadaasi ee qaadanaaya Kaadhka Codbixinta doorashooyinka Somaliland iyada oo dhammaan goobaha diwaangelinta ee Weftiga UCID booqday uu Fariimo wacyigelino ah oo muhiimada inay shacabku si  mug leh  isku diwaangeliyaan Shacabku una qaataan Kaadhka  Codbixinta doorashooyinka JSL..

Leave a Reply