Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo laba  Cisbitaal ka  Hirgalinaysa Bariga iyo Waqooyiga Hargaysa

0
484

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa laba cisbitaal ka dhisaysa bariga iyo waqooyiga magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka mudane,  Cumar Cali Cabdillaahi, oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo duqa  Caasimadda Hargeysa ayaa dhagax dhigay laba cisbitaal oo laga hirgelinaayo bariga iyo Waqooyiga magaaladda Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ka hadlay dhagax dhiga goobahan caafimaad ayaa sheegay in culayska lagaga dhimaayo Cibitaalka guud ee Hargeysa oo wakhti dheer ka hor loo dhisay in uu u adeego shacabka Hargeysa oo xiligaas tiradoodu koobnayd isla markaana ay Cisbitaaladani wax weyn ka tarayaan baahiada caafimaad ee ka jirta Caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliuland Cumar Cali C/laahi, ayaa sheegay in ay fulinyaan qorshaha labaad ee qaranka iyo balanqaadkii Xisbiga Kulmiye isaga oo u mahadnaqay Madaxweynaha JSl Muuse Biixi Cabdi, ka qayb qaatay in la hirgeliyo labadan cisbitaal ee maanta la dhagax dhigay.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliuland Cumar Cali C/laahi, ayaa sheegay in sanadkan wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland ay dhagax dhigtay 19-mashruuc oo caafimaad kuwaas oo isgu jira Cibitaalo cusub, MCH, iyo Cibitaalo dib u habayn lagu samaynaayo, wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan wasaaradu bilaabi doonto laba cisbitaal oo kale oo laga hirgelin doono Galbeedka iyo Koonfurta Hargeysa.

Leave a Reply