Somaliland iyo Taiwan oo Mataaneeyey Jaamacaddaha Hargeysa iyo CYCU

0
543

Taipei-(Dawan)-Xukuumaddaha Jamhhuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa mataaneeyey Jaamacaddaha Hargeysa iyo CYCU oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn qaaradda Aasiya.

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Taiwan Danjire Maxmed Hagi ayaa goobjooge iyo markhaati saxeexe (signatory witness) ka noqday mataanowga jaamcadaha Hargeysa iyo CYCU ee dalalka Somaliland iyo Taiwan.

Jaamcadda CYCU ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ugu na khayraadka badan qaaradda Aasiya. shalay ayey la mataanowday Jaamacadda Hargeysa. Labada jaamacadood waxa ay si toos ah isaga kaashan doonaan, Cilmi- Baadhista, waxa ay iswaydaarsan doonaan ardayda iyo macallimiinta, waxa ay si wada jir ah u soo wada saari doonaan daabacadaha culuunta cusub (PhD Publications),

 

Dhinaca kale waxa ay iska taageeri doonaan qalabka tiknoolajiyada dhanka culuunta caafimaadka, Injineerinka iyo sayniska, oo ay si wadajir u wada qaban doonaan, waxa ay iswayddaarsan doonaan shaqo barashada iyo carbiska ardayda iyo shaqaalaha jaamacadda (internship & apprenticeship).

 

Jaamacadda Hargeysa iyo CYCU ayaa iwayddaarsan doonaan xogta aqoonta ee dhinacyada manhajka, iyaga oo si joogto ah u kala heli doonaan taageerada farsamada waxbarasho oo dhan walba ah.

 

Leave a Reply