Hargeysa: Qoys Muddo 15 Sanno ah Dhulkoodu u Xayiranyahan Lacag khasab ah.

0
629

Hargeysa (Dawan) Marwa Haweeya Xasan Wacays ayaa sheegtay in muddo shan iyo toban sanno ah waxaa dhulkoodu bannaan dhismihiisu u xayiran yahay ay tahay lacag baada oo laga rabbo, islamarkaana haddii ay bixiyaan ay dhisanayaan, iyada oo ay u  dhammeystiran yihiin dhammaan sharciyaddii looga baahnaa dhismaha dhulkaasi ay leeyihiin.

Sidoo kale waxaa ay xustay in Xayirad aanay ilaa hadda aqoonsan meel ay dhulkooda kaga socoto ay keentay in dhulkoodu noqdo keyn jiq ah oo geedka Garaangu ka baxo,  waxaanay intaasi ku dartay in dhagxaantii ay ugu tallo galeen in ay wax ku dhisaan badankooda laga raray meesha islamarkaana wax yar oo baaqi ahi hadda yaallaan.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, taliyaha ciidanka booliska sarreeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ugu baaqday in arrinta dhulkaasi wax lagala qabto maadama ay muddo shan iyo toban sannadood ah ay u soo dulqaadanayeen.

Caddeymaha ay dhulkani ku mulkiyaan marwadan iyo reerkdoodu ayaa gaabi ahaanba u dhammeystiran, balse sharcigaasi aanu noqon mid ka shaqeeyaa waaxaha dawladda hoose ee degmadda Koodbuur.

Waraaqaha dhulkani ay ku mulkiyeen sidoo kalena ay ku dhiseen gurigan waxaa ku qoran islamarkaana si wada jira ugu saxeexan, Hooyo Faadumo Maxamed Cilmi, iyadda oo ka wakiila wiilkeeda Maxamed Maxamuud Xasan, iyo mulkiilaha ka iibiyay dhulkani Xuseen Xirsi Shire.

Marwa Haweeya Xasan Wacays iyada oo arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi.  “Waxaa aanu deganahay xaafada Guul ALLA,  taas oo u dhaw dhaamka Xera Digaagta, muddo imika 15-sannadood ah waxaa gurigani dhisan iyo dhulkan bannaan oo aanu annagu leenahay nbaguy heysta dad aanan garaneyn wax Alllaale iyo waxay yihiin iyo meel ay ka socdaan toona.

Annaga oo sharciyadii iyo mulkiyadii gurigan iyo dhulkaniba noo dhammeystiran yahay, ayaa hadda muddo shan iyo toban sannadood ah nalagu haystaa goobtani, jagadaasi imika waxaa ay bannaan tahay shan iyo tobanka sanno, waata dhirta iyo Garanwaagu ay ka baxeen, islamarkaana ay qarsoomeen baaqa dhagaxantii aanu ugu talo galnay in aanu ku dhisno, meelkasta waanu marnay dawladdii hoose waanu tagnay, guddoomiyaha maxkamadda sare haysta garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, dhawr jeer ayaanu u tagnay kamu jawaabin cabashadayada, sannadkasta oo ay hooyo timaado waa ay u tagtaa, cid aanan u tagini ma jirto waxaa aanu weydiinay meesha yaa nagu haysta? Wax allaale wax na loo caddeynayaa ma jirto, wiilal yar yar oo soconaya oo boolis wata oo Ilma Xasan Rakuub ka mid yihiin ayaa nagu haysta meesha, waa nalaga iibiyay annaga sharcigayagii waanu  haysaanaa, lacagtayadii ayaanu ku iibsanay, cid kamaanu qaadin, cid kamaanu baadin.

Hadaba waxa aan madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, taliyaha ciidanka booliska sarreeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaajia Axmed Cabdi, duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, dad muwadiniin ah oo sannadkasta cashuur bixiya ayaanu nahay, maati iyo haween ayaanu nahay, in arrintayada na loo tixgeliyo oo hoos na loo eego waxna laga qabto dhibta na haysta”

Sidoo kale Marwa Haweeya Xasan Wacays, waxaa ay si gaara fariin ugu dirtay taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo ay ka codsatay in uu wax ka qabto cabasho ay ka muujisay ciidamada booliska ee saldhiga degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa.  “Taliyaha ciidanka booliska sarreeya gaas general Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), waxaan leeyahay nimanka askarta ah ee xaqdarada ku shaqeynaya ee aan waxba ka baydhayn, ee aan maati ka baydhayn, ee hubka noo adeegsanaya xita ee shan iyo tobanka sano aanu sidaasi uun u eegaynay xita Jimcayaasha noo imanaya haddii aanu is nidhaahno dhista oo seesta askar yaacaysa ayaa noo imanaysa oo naga joojiya, markii aanu ku nidhi waxaad nooga joojinaysaan caddeynteedii keena waa ay xayiran tahay ayay leeyihiin iyaga oo aan wax waraaqo oo caddeynaya xayirada meeshi aan sidan, rasaas nool nool ayay noo adeegsadeen, marka arrinkaya fadlan dawladdu wax haka qabato, cidda meeshayadu ay ka socon weyday dhismaheedu waa ciidanka booliska saldhiga Koodbuur, waxba nama waydiiyaan ee alaabtayadii oo dhan waa ay qaateen wixii aanu ku dhisaynay meesha”

“Waxaa nalagu haysto ee dhulkayaga bannaani u xayiran yahay ee dhismihiisu u socon laayahay, waxaan u aragnaa baad, mar haddii duqii caasimadu isaga oo arrintayada og noo imaneyn, guddoomiyaha degmada Ibraahim Koodbuur isaga og aanu noo imaneyn, guddoomiyaha maxkamadda sarre aanu arrintayada hoos u eegayn, ee la leeyahay uun meeshu way xayiran tahay, marba inta uu wiil yari halkaasi soo istaago uu leeyahay gudin ayaan idinku kala jarayaa, ee uu noo hanjabayo aflagaadooyin badana aanu ku qabno oo cay ah, oo aanu is leenahay dhibaato ayaa halkaasi ka dhici ee ciddna waxba haw sheegina, meesha waxaa naga iibiyay nin la yidhaaho Xuseen Xirsi Cawl, waanu jooga oo wuu nool yahay, waddankii dawladdina waa ay ka jirta haddana sidii oo aanay ka jirin ayaa naloola dhaqmayaa, haween iyo hooyooyin ayaanu nahay lacagtayadii ayaanu siisanay, cidna kamaanu dhicin ee arrinyada hoos ha loo eego, markaad maalintii seesto ee aad meeshi dhisto habeenkii iyada oo dunsan ayaan u soo toosaysa marka dhibtaasi ayaanu qabnaa, sharcigii dawladd sare iyo tu dhexeba soo maray in uu shaqeeyo miyaanay aheyn ee aanu lacagta u shubnay caseyn iyo caddeynba, miyaanay caddaaladu shaqeynayn, marka madaxweyne inta aad hoos noo eegto bal arrintayada wax ka qabo”Ayay tidhi Marwa Haweeya Xasan Wacays.

 

Leave a Reply