Wasaaradda Caafimaadka oo Dawooyin ku Wareejisay Cusbitaalka Maandhaye ee Burco

0
523

Burco (Dawan): Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa daawooyin gaadhsiisay cisbitaalka Maandhaye ee magaaladda Burco.

Cusbitaalka Maandhaye ayaa lagu daaweeyaa dadka qaba xanuunadda Dhimirka.

Daawooyinka waxaa soo dhiibay Aadan Ciise Aw Cali (Adan Dhako), oo ka mid ah qurba joogga gobolka Togdheer ee magaaladda London deggan.
Waxaanu Aadan Dhako, ku soo hagaajiyay xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (bidhi).
Iyadoo uu isna ku soo hagaajiyay isuduwaha wasaarada caafimadka ee gobolka Togdheer Dr. Adan Casayr.

Waxaana daawooyinkaa lagu wareejiyay maamulka dhakhtarka Maandhaye.
Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr, ayaa u mahad celiyay Aadan Dhako oo daawooyinkaas soo diray.
Waxaanu yidhi, “Waxaanu la wareegnay daawo loogu talo galay cusbitaalka Maandhaye, oo uu soo diray walaalkeen Aadan Dhako, oo ku nool dalka Ingiriiska.

Wuxuu u soo dhiibay xildhibaan Mubaarig Bidhi, oo isna annaga noo soo wakiishay in aanu gaadhsiino bukaanadda ku jira custitaalka Maandhaye”.

Geesta kale Dr. Casayr, ayaa fariin u diray qurba joogta gobolka Togdheer.

“Waxaan doonayaa in aan u sheego qurbe joogga reer Somaliland, in ay ka soo qayb galaan wax tarka bukaanadda Maskaxda ee ku jira cusbitaalka Maandhaye.

Wixii daawooyin ah, ee wax tar ah in ay noo soo diraan. Waayo? Waxa keliya ee maanta dhibayaa waa daawo la’aan. Daawadu way nagu yar tahay. Wadankana way ku yar tahay.

Markii hore qolooyin reer Somaliland ah oo jooga Norway iyo UK ayaa noo soo diri jiray.

In yaroo hakad ah ayuu galay custitaalku mudadii uu xanuunka Covid-19 ka” ayuu yidhi Dr. Casayr.
Dhinaca kale masuuliyiinta cusbitaalla Maandhaye ayaa uga mahad celiyay Aadan Dhako oo soo dhiibay daawooyinkani iyo xildhibaam Mubaarig Bidhi, oo uu u soo wakiishay.

Waxaanay tilmaameen in daawooyinkan ay xiligan baahi weyn u qabeen, isla markaana daawo la’aan darteed uu cusbitaalku muddo u xidhan.

Leave a Reply