Xukuumadda Somaliland oo Dhawaan Furaysa Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda

0
602

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dejisay qorshaha Aas-aaska Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda ,iyada oo loo ballamay qabashada xafladda Daah-furka Xaruntan badhtamaha Bisha December ee sannadkan 2020. lana qorsheeyey in si buuxda hawlaheeda shaqo u bilawdo horraanta sannadka 2021.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka, Jamaal Cabdi Muuse  ayaa Wargeyska Dawan u sheegay ▪Dhinaca in Aas-aaska Xarunta Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda ay dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland dhaxal-siinaysa in ay bartaan ama fahmaan, qodobada kala ah:

Dastuurka iyo Waddaniyadda,Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada, Xuquuqal Insaanka iyo is xaq-dhawrka, Isla Xiaaabta, Daah-furnaanta iyo Doorka Bulshada ku leedahay,Ka Qayb-qaadashada, iyo u Dhannaanshaha  arrimaha Siyaasadda, xaqa Cod-bixinta Iyo Metelaadda Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, Waajibaadka Muwaadinka iyo Xaqa Dalka,Ku Dhaqanka Sharciga Iyo Sarreynta Dastuurka,Fahanka Hannaanka Siyaasadda iyo Doorka Xisbiyada Badan.

 

Agaasime Jamal ayaa sheegay in Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda marka dhawaan si rasmi ah loo furo, ay si hufan oo hagar la’aan ah ula shaqeyn doontaa Laamaha Dawladda “Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Madaxbannaan”, Jaamacadaha Dalka,  Ururada Saxaafadda, Ururada Bulshada, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay. iyada oo  tababarro muddo kooban socda siin doonta shaqaalaha Dawladda, Ardayda Jaamacadaha Dalka, Qaybaha Bulshada “Dhallinyarada, Haweenka, Iyo Odayaasha”, Adeegeyaaha Sharciga, iwm. Waxaana la diyaariyay labo fasal waxbarasho oo qalabaysan, hal xafiis maamul, xarun akhris, agab waxbarsho iyo hawl-wadeenada xarunta.

Leave a Reply