Shir Nabadeed ka Furay Degmada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool

0
349

Adhi-cadeeye-(Dawan)- Xukuumada Somaliland ayaa gogol nabadeed u fidisay beelo wada dega degmada Adhi-cadeeye oo ka tirsan gobolka Sool oo hore ay shaqaaqo ugu dhexmartay degaankaasi.

 

Shir nabadeedkan ayaa waxa goobjoog ka ahaa wefti balaadhan oo ka socday xukuumada Somaliland, kuwaasi oo kala ah Wasiiradda Wasaaraddagha Xanaanada Xoolaha, Warfaafinta, Xidhiidhka golyaasha ,Beeraha iyo la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshada .

 

Guddidan golaha Wasiiradda oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dib u bilaabista shirkii nabadaynta labadda beelood ee walaalaha ah ee hore shaqaaqadu ugu dhex martay degmadda Adhi cadeeye ee Gobolka Sool, Waxay wasiiradani sheegeen in Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ay dadaal xoogan ku bixisay sidii nabad buuxda loo dhex dhigi lahaa ardaayada walaalaha ah ee shaydaanku soo kala dhexgalay waxaa kale oo wasiiraddu ay u mahadnaqeen Ciidamadda qaranka oo heegan ugu jiray muddo dheer xoojinta nabadgalyadda.

 

Guddidan golaha wasiiradda ahi waxay intaas ku dareen in geedi socodka shirka ay maamuli doonaan guddi dhex dhexaad ah oo ay labada beeloodba sheegeen inay ku qanacsan yihiin garsoorkooda.

 

La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshadda Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan ayaa sheegay in labadan ardaa ee xurguftu dhex martay ay yihiin dad wada dhashay oo dhiig wadaaga waxaanu intaas ku daray in baahi weyn loo qabo sidii dib loogu soo celin lahaa wada jirkii iyo iskaashigii labadan ardaa waxaanu u mahadceliyey Xukuumadda Somaliland iyo Ciidamadda qalabka sida ee heeganka ugu jira nabad ka aslaaxinta deegaankaas.

 

Xubno ku hadlayay labadda ardaa ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka adhi cadeeye ayaa cadeeyay inay ku kalsoon yihiin guddida dhexdhexaadka ah ee ay golaha wasiirradu hawsha shirka u xilsaareen waxaa kale oo ay xubnahani u mahadceliyeen guddida wasiiradda ah iyo Xukuumadda Somaliland ee u xusul duuban inay nabad buuxda ka dhex dhaliso labadan beelood ee walaalaha ah.

 

Leave a Reply