Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Maamustay Ciyaartoyda Baahiyaha Gaarka ah Qaba

0
386

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda baahiyaha gaarka ah qaba ee Somaliland ku metalaayay tartankii ka qabsoomay dalka Jabuuti, oo ay guul weyn kasoo hooyeen.

Munaasibaddan loo sameeyey ciyaartoyda waxa kasoo qayb galay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta, guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta iyo sidoo kale ciyaaryahannadii ka qayb galay tartankaasi.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo isagu ciyaaryahannadii ka qayb galay tartankaasi u raacay dalka Jabuuti, waxaanu sheegay in ciyaartoyga baahiyaha gaarka ah qaba ee Somaliland ay guul weyn kasoo hooyeen ciyaartii ay la ciyaareen ciyaartoyga dalka Jabuuti ee baahiyaha gaarka ah qabta, isaga oo intaasna ku daray in kharashkii ku baxay ciyaartoyda ay bixisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, sharafna ay aheyd in dalka dibeddiisa loo saaro maadaama oo aanay jirin cid kale oo ay la ciyaaraan.

Dhanka kale, waxa isna goobtaasi ka hadlay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid, oo sheegay inuu kulankaasi ahaa kulankii ugu horeeyay ee loo qabto ciyaaryahannada baahiyaha gaarka ah qaba, isaga oo intaaasi raaciyay inay ku dedaalayaan in ay sannad kasta qabtaan 23 September oo ah maalinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, Isaga oo xusay in dawladdu ay barbar taagan tahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isla markaana ay ka go’antay in dadka baahiyaha gaarka ah qabaa ay xaqooda u helaan sida dadka caadiga ah.

Ugu dambayntii waxa hadalka soo gunaanaday guddoomiyah xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali oo tilmaamay in ciyaartoyda baahiyaha gaarka ah qabta ee Somaliland ay muujiyeen sida ay u diyaarsan yihiin, ka dib markii ay ka badiyeen dhiggooda dalka Jabuuti, oo ay la ciyaareen.

Leave a Reply