Nuxurka Kulan lagaga Doodayay doorka Haweenka ee ka Qayb galka Siyaasadda iyo Goleyaasha Qaranka

0
388

Hargeysa (Dawan) Kulan lagaga doodayey doorka ay haweenka ka qayb galka Siyaasadda iyo Goleyaasha Qaranka,  u yarayn karaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka oo maanta lagu qabtay Hargeysa, ayaa Haweenku tilmaameen in ay muhiim tahay in haweenka oo gala goleyaasha Wakiillada, Deegaanka, Xukuumadda iyo Garsoorku ay caawin karto yaraynta tacaddiyada loo geysto haweenka.

Dooddan oo qayb ka ahayd ololaha 16 cisho ee cidhibtirka tacaddiyada hawee ka, isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Komishanka Xuquuqal Iisaanku, ayaa waxa ay ka sheegeen halkaas haweenka ka qayb galay falan-qeyntan in loo baahan yahay in ay haweenku ka qayb galaan doorashada soo socota, si ay uga mid noqdaan Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, iyaga oo xusay haddii la doorto haweenka ay bulshada nugul ee ay haweenkunku jiraan ay heli doonaan cid baahiyahooda ka hadasha, soona bandhigta duruufahooda nololeed oo ay ka dhawajiyeen in aanay ragga goleyaasha ku jiraa aanay xog badan ka haynin

Haweenkan waxa ay ku dheeraadeen duruufaha iyo caqabadaha ku gedaaman ka qayb gashadooda dhinaca siyaasadda.

Leave a Reply