Gudoomiye Farxaan oo ka Hadlay Qorshayaal lagu Horumarinayo Shaqaale-weynaha Dawlada

0
473

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Farxaan Aadan Haybe,ayaa ka hadlay qorsheyaal horumarineed oo ay kor ugu qaadayaan aqoonta iyo tayada shaqaalaha dawladda isla markaana ugu raadinayaan xuquuqaad iyo daryeello kala duwan. Waxaa kale oo uu ka hadlay guddoomiye Farxaan qiimayn ay ku samaynayaan shaqaalaha dawlada hoose iyo imtixaan ay ka qaadayaan shaqaalaha dawlada hoose ee magaalooyinka dalka si loo helo shaqaale xirfadleyaal ah oo bulsahda u adeega.

Waxaanu intaa ku daray in meesha laga saarayo in qof jeclaysi dawladaha hoose cid ku shaqaalaystaan iyo in la helo daryeelka shaqaalaha dawladaha hoose ee da’aan dad waawayn noqday kuwaas oo mararka qaarkood shaqadaba laga saaro wax xuquuq ahna aan helin. Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Mudane Farxaan Aadan Haybe oo qodob qodob isu tul taagay hannaanka horumarinta iyo qaabaynta shaqaalaha dawladda,ayaa yidhi.“Xukuumaddu waxaa ay sameysay guddi wasiiro ah islamarkaana heer Qaran ah, ahna guddida hagista barnaamijka guud ee dib u habeynta shaqaalaha dawladda, waxaanay jaangooyaan siyaasaadka iyo go’aamada ay hay’adda shaqaalaha dawladdu qaadanayso, marka saddex biloodkiiba marbay eegaan, miisaaniyadda dawladda ayaa loo qorsheeyay sannad walbana go’aankooda ayaa lagu shaqeeya, sidoo kale waxaa jirta guddi farsamo oo ka caawisa hay’adda shaqaalaha dawladda fulitaanka barnaamijkaasi, waxaana guddidaasi u guddoomiye ah anniga, iyadda oo talada madaxweynaha la raacayana habkaasi ayaa lagu shaqeeyaa”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo u waramay wariye Saleebaan Haybe Laambad, mar uu ka hadlayay xuquuqda shaqaalaha ee dhanka mushaharka iyo in ay xuquuq siman yeeshaan ayuu yidhi.“Xaqiiqadu waxaa weeye maadama la doonayo shaqaaluhu xuquuq isku mid ah inay yeeshaan, maaddama la doonayo siyaasaadka imika la rabaa hadday tahay mushahar bixinta iyo hadday tahay abaalmarinta gunnooyinka iyo derajada in waxaas oo dhan laga sinnaado iyo hawlgabkii, waa in shaqaaluhu xuquuq isku mida ka yeeshaa mar haddii hal xukuumad iyo hal dawlad aynu nahay, marka xeerku awood kama qaadayo ee waa in la ilaaliyo xaqii shaqada iyo xuquuqdii shaqaalaha”

Waxaa kale oo uu ka hadlay diiwaan gelinta shaqaalaha dawladaha hoose iyo halkay ka bilaabayaan,waxaanu yidhi.“Diwaangelinta shaqaalaha dawladdaha hoose ee dalku waxaa ay ku timid, dawladdaha hoose ee dalkuna xeer ayay leeyihiin, xeer No/23 Baarlamaanka ayaana ansixiyay, shaacintiisi rasmiga ahaydna waa uu ku soo baxay, xafiiska garyaqaanka guud marka waa xeer dhaqan gal ah kaabis iyo wax ka beddel ayaana lagu sameeyay.

Qoddobkiisa 73-aad ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha dawladdaha hoose ay ka mid yihiin, shaqaalaha dawladda, laguna maamulayo xeerka shaqaalaha dawladda, farqadiisa koobaad iyo labaadna waxaa ay sheegaysa in shaqaalaha derejada A/B, ay imtixaan ka qaadayso oo marka ay soo dalbadaan dawladdaha hoose ay soo xulayso, hay’adda shaqaalaha dawladdu, C/D-na ay ku leedahay kormeer, maadama ay yihiin nadiifiso iyo farsamayaqaano, markasta oo dadku sii kordhana waxaa meesha ka baxaya dhaqaalihii yaraa ee bulshada wax loogu qabanlahaa.

Marka saddex shay ayaa looga dan leeyahay annaga oo xeerka ku dabaqayna, adeegii magaalooyinka la siinayay ee dadku in uu kor u kaco, sidoo kalena in loo sinaado shaqooyinkii dawladdaha hoose ee magaalooyinka, sidoo kalena ay noqoto xuquuqaadkii xeerka shaqaalaha ka dhalanayay, hadday noqoto hawl gab, hadday noqoto kuwii hore ee aan ka soo sheekaynayay, inay dhammaan heli karaan shaqaalaha dawladdaha hoose, sababtoo ah waxaa jira dad waaweyn oo gaboobay oo dawladdaha hoose jooga, dawladdaha hoosena aanay u diyaarin wax hawlgab ah oo dalka abaal badan ku leh, markaa mar haddii aan xeerkan aanu sameynay iyo ka shaqaaluhu xaq-siinayn marka waxaa ay noqotay in qofkii aan ubadba dhallin la iska sii daayo, taasina waxaa ay halis ku tahay noloshii dadka, masuuliyaduna waxaa ay ka saaran tahay xukuumaddu inay illaaliso, cashuurta bulshada laga soo ururiyo ayay xukuumaddu ku shaqeysaa marka iyada oo waajibkaasi la guddanayo xeerkaasina qodobkiisa la fulinayo ee sharciga iyo qaanuuniga ah ayaa waxaa ay noqotay in aanu dabaqno.

Marka waxaa aanu isla qaadanay in dawladda hoose ee Hargeysa laga bilaabo, guddi farsamo ayaanu imika sameynay islamarkaana ka kooban dawladda hoose ee Hargeysa oo laba xubnood ah, wasaaradda arrimaha gudaha oo xubina, iyo afar xubnood oo hay’adda shaqaalaha dawladda , hay’adda shaqaalaha ayaana xaq u leh in ay imtixaanka ka qaado, balse sidee ayay u jirta dawladda hoose? qaab dhismeedkeedu siduu yahay? shaqaaluhu ma leeyihiin shaqo qeexayaal? Shuruucda shaqaalaha lagu maamula siday yihiin.

Waxaanu ka caawin doona shuruucda in aanu waafajino xeerka shaqaalaha dawladda oo aanu dib u eegno, waxaanu ka caawin doona tababarada, waxaa aanu diwaangelin doona shaqaalaha, waxaa aanu imtixaan ka qaadi doona shaqaalaha A/B iyada oo duqa caasimadu xaq u leeyahay in uu ka soo xusho agaasima waaxeedyada iyo guddoomiyayaasha degmooyinka sidaasi darteed si ay u noqdaan dad aqoon leh, xulasho, sax ah lagu soo qaatay, marka habkaasi ayay ku timid waanay soconaysaa haddii ILLAAHEY yidhaahdo, dalka oo dhan ayaanu ka sameyn doona gaar ahaana magaalooyinka waaweyn inta awooddu nagu sinto”

Waxaa kale oo uu ka hadlay siyaasadda qaabaynta derejo bixinta shaqaalaha dawladda iyo dallacaadda iyo hannaan cusub oo mushahar bixinta shaqaalaha dawladda ah oo wasaaradaha dawladda qaarkood lagu bilaabay iyo siday wax uga tartay ee ay meesha uga saartay dad aan shaqada ku jirin oo liiska wasaaradaha ku jiray iyo kuwo dhoofay oo lacagta qaadan jiray,waxaanu yidhi. “Siyaasada qaabeynta iyo qoondaynta derajada iyo mushaharka iyo gunnada waxaana laga yaaba in wasaaraddaha qaar ka gunno badan yihiin wasaaraddaha kale, waxaana laga yaaba in qof gunno qaataa ku mushahar qaata ka lacag badan yahay, marka siyaasadaasi ayaanu ka wada shaqeynayna wasaaradda horumarinta maaliyadda, siyaasadaasi ayaa la qorayaa, siyaasadaasi ayaa jaangoyn doonta derajooyinku sida ay noqonayaan, abaalmarintu sida ay noqoneyso waxaasi oo dhammi sida ay noqonayaan markaa dhab ahaan waxaa noogu jirta haddii duruufta xannuunka samfareenka ee Covid-19 ILLAAHEY innaga dulqaado oo dhaqaalhu kobco waa lagu khasban yahay in mushahar kordhin dib u eegto xukuumaddu, madaxweynuhuna waa uu daneynayaa, shaqaalaha shaqo Qaran, shaqaalihii ku meel gaadhka ahaa oo iyagana aanu suulinayno, oo miisaaniyaddii loo qoondeeyay, dadkii bukaan socodka ahaa oo aanu dawladdii culeys ku saarnay waxaas oo dhan ayaanu u qoondaynay, waxaasi gabi ahaanba waxaa uu ka go’ayaa dakhliga yar ee innoo soo xerooda, markaa waxaan filayaa in aanu sannadkan mushahar kordhin suuragal aheyn, balse sannadka 2022-ka rejo weyn ayaanu qabnaa, guriyayntii ayaa ka mid ah, caafimaadkii ayaa ka mid ah, shaqaaluhu inay noqdaan kuwa caafimaad qaba, islamarkaana aqoontoodu qalabeysan tahay, waa waxa dalkeena horumar gaadhsiin karaya, waa waxaa waddankeena u suurageliya in uu la tartami karo Qaramada horumaray.

Ta labaad waxaa weeye in aanu sameyno sida loo maamulayo xaashida mushahar bixinta, waxaana gacanta ku haya nin muwaadina iyo nin kale oo la taliye ah islamarkaana aan waddanka u dhallan.

Sidoo kale waxyaabaha la yaabka leh ee aanu ku guuleysanay waxaa ka mida in wasaaraddihiii ugu horreeyay oo imika dhawr iyo toban ahi ay ku qaataan mushaharkooda nidaamka E-shilin ee baanka mara, oo nin walba ay lacagtiisu ugu soo dhacdo telefoonkiisa gacanta bisha oo aan dhammaan, waxaanay yareysay musuq maasuqii, caagleyntii, caadeystayaashi, kuwii dhoofay ayaanu meesha ka saarnay markii ay baanka tegi waayeen, kuwaasi ama isaga loo dirayay ama ehelkiisa, waxaa horumarka aynu ku gaadhayna waa innaga oo u meelayna waxaa ina soo gala”

Leave a Reply