Bulsho Caruurta Ka Bateen Xayawaanka Guriga!

0
1028

Gaadiidka ay la socdaan Eyda iyo bisadaha midabada kala duwani waa mid caan ka ah caasimadda dalka Taiwan ee Tiapi, waxaana sabab u ah sharciga dawladda  ee dhiirigeliyay in guryaha lagu xanaanayn karo xayawaanda kala duwan sida Eyda iyo bisadaha.

Arintan ayaa muujisay in xayawaanada gurayaha ku nooli ay ka badan yihiin caruurta  guryaha ku nool, waxaana ay keentay in hoos u dhac weuni ku yimaaddo heerka dhalashada caruurta dalkaasi.

Mr.Tom Parker oo degan Taiwan ayaa wargeyska the Guardian u sheegay in Eyda ku nool Taiwan loo xanaaneenyo loona daryeelo si wanaagsan, isla markaana lala socdo caafimaadkooda.

Saraakiisha Taiwan ayaa ku qiyaasay in xayawaanada lagu hayo gurayaha ay gaadhayaan 3 milyan  tiro koobkii ugu danbeeyay ee la sameeyay sanadkan qaybtiisan danbe. Waxaana ay sheegeen inay ka badan yihiin marka la barbardhigo tirada caruurta ka yar 14 sano ee dalkaasi ku nool.

Warbixintu waxa kale oo ay cadaysay in hoos u dhaca gaadhaya 6% uu ku yimi dhalashada caruurta ee dalkaasi marka laga soo bilaabo 2016 – 2019, sida ay baahisay TaiwanNews.

Arintan ayaa sabab looga dhigay in dalkaasi aan laga ogolayn in shisheeyuhu gabadh ka guursado iyo in hooyada umusha ah la siiyo fasax gaaban iyo weliba mushahra yar mudada ay ku jirto wakhtiga umusha, taasi oo caqabad ku noqday inay hooyadu dhalmada ku dhiirato madaama ay cadaadis nolosha ah kala kulmayso.

Dalalka Maraykanka iyo Japan ayaa iyagana la sheegay in tirada xayawaanada la dhaqado ee dalkaasi ay ka badan yihiin caruurta dalkaasi.

Leave a Reply