Maxkamadda sare ee Maraykanka oo aqbashay Guusha Biden

0
333

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday dacwad xisbiga Jamhuurigu doonayeen in ay madaxweynaha la doortay Joe Biden ku carqaladeeyaan guusha uu ka gaadhay gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.

Madaxweyne Donald ayaa ku doodday in aan lagaga guuleysan doorashada, balse taa badalkeeda ay dhacday ku shubasho cad.

Balse maxakamada ayaa sheegtay in Biden Tobanaan kun oo cod kaga badiyay madaxweyne Donald Trump Pennsylvania.

Guddoomiyaha gobolka Pennsylvania Tom Wolf oo ka tirsan Xisbiga Dimoquraadiga ayaa mar hore saxiixay shahaaddada guusha Biden ee gobokiisa ka hor inta aanay gaadhin 14-ka bishan December codeyn ergooyinka leh codka kama danbeysta ee loo yaqaano Electoral College.

Pennsylvania ayaa leh 20 cod, mar walbana waxaa ay ka mid tahay gobollada aadka loogu dagaallamo xilliyada doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhacda afarti sano hal mar.

Joe Biden ayaa doorashadi madaxtinimada Mareykanka ee bishi hore ka helay 306 codadka loo yaqaan electoral votes, balse wali si rasmi ah looguma dhawaaqin guushiisa.
Waxaanay ku xidhan tahay marka ay todobaadka danbe kulmaan dhamaan erdgooyinka gobollada Mareykanka ee Electoral College.

Leave a Reply