Wasaaradda Maaliyadda oo Fulisay Dalab uga yimi Golaha Wakiiladda

0
448

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta (shalay) furay kulan-hawleed lagu fallanqeynayey, isla markaana sharaxaado dheeraad ah lagaga bixinayey muhiimada iyo faa’iidooyinka xeerka Aaga Cashuuraha ka Caagan (Special Economic Zone Act), u leedahay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Kulan-Hawleedka oo ujeedadiisa lagu sheegay sidii xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland loogu iftiimin lahaa muhiimada xeerkaasi, maadaama oo uu golaha horyaalo, isla markaana gole-waynaha Wakiiladu dalbadeen in sharaxaad dheeraad ah laga siiyo fahamka iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay, ayey ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo Wasaaradda Maaliyadda, Garyaqaanka Guud Cabdisamad Cumar Maal, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillahi, xubno ka tiran xildhibaanada golaha Wakiiladda iyo khubaro kaloo lagu soo martiqaaday.

Kulanka oo masuuliyiin kala duwan ka hadleen, ayaa Gudoomiye-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda, Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye oo kulanka ka hadlay muhiimada xeerkani u leeyahay qaranka ayaa yidhi “Xeerka aaga Cashuuraha ka caagan, runtii waa mid muhiim ah, oo kobcinta dalka iyo horumarka maaliyadeed qeyb ka noqonaya, waa nidaam caalamku isticmaalo oo dhaqaalahooda ku kobciyaan, shacabkana waxtar u leh.” ayuu yidhi
Gudoomiyaha Guddida Dekeddaha Somaliland Maxamed sheekh oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in hirgelinta aaga cashuuraha ka caagan abuurayo shaqooyin cusub.
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo faahfaahin ka bixinayey muhiimada xeerka aaga cashuuraha ka caagan ayaa sheegay inuu soo jiidanayo maalgashiga, waxaanu yidhi
“Maalgashi aan inoo imaadeen ayeynu soo jiidanaynaa, badeecadaha lagu farsameeyo aagan waxuu noqonayaa mid lagu sameeyey dalkeena, waxaanay sarre u qaadaysaa wax-dhoofinteena, waxuu kordhinayaa wax soo saar warshadeedka dalkeena.” Ayuu yidhi Dr Sacad, isagoo raaciyey in arrinka ugu muhiimsan yahay inay keenayso shaqo abuur,
“Marka maalgashaduhu dalka yimaado, badeecadaha uu dibeda ka keeno waa la rogayaa, oo la qaadayaa, shaqaale ayey u baahan yihiin.

Ugu danbayn, xildhibaanada ayaa kulankaa loogu soo bandhigay warbixino ku saabsan faa’idooyinka uu Somaliland u leeyahay aaga cashuuraha ka caagan (Special Economic Zone Act), iyadoo ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu halkaas su’aalo ku waydiiyey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Garyaqaanka Guud Cabdisamad Cumar Maal, oo dhamaan jawaabo waafi ah laga bixiyey, hanaanka oo ah waajibaadka dastuuriga ee mudanayaasha Wakiilada ay maraan ka hor ansaxinta xeerarka loo gudbiyo.

Leave a Reply