Gebiley: Tartan Kubadda Cagta oo Furmay

0
377

Gebiley-(Dawan)-Waxa magaalada Gabiley lagu qabtay tartan ciyaareed loogu magac daray ka hortaga Tahriibka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciyaartoy ka kala socda gobollada Maroodi-jeex, Gabiley iyo Awdal.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mikhtaar, oo sheegay in ay tartankaas ay ka qayb qaadan doonaan lix iyo toban kooxood oo ka kala socda gobollada  Maroodi-jeex, Gabiley iyo Awdal, iyada oo lagu bilaabay tartankaas laba kooxood oo ka kala socda gobollada Maroodi-jeex iyo Gabiley, iyaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in tartannada noocaas oo kale ahi ay qayb ka qaadanayaan ka hortaga Tahriibka, qabyaaladda iyo balwadaha kala duwan, isla markaana ay horseedi karaan isdhexgalka bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Leave a Reply