Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo ka Hadlay Diwaangelinta Codbixiyayaasha Bulshadana Fariin u Diray

0
476

Hargeysa (Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ka hadlay ka hadlay diwaangelinta ka socota degmadda Hargeysa, bulshadana farriin u diray, waxaanu uga digay dadweynaha in ay laba jeer is diwaangeliyaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay nabadgeliyada guud ee gobolka Maroodijeex, abaar ka jirta degaanada qaar oo uu sheegay in aanay sameyn weyn ku yeelan diwaangelinta.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo wareysi gaara siiyay wargeyska Dawan, ayaa faahfaahin ka bixiyay dadka la doonayo in ay isu diwaangeliyaan dadka la doonayo in ay isu diwaangeliyaan doorashada codbixiyeyaasha degmada Hargeysa “Diwaangelintu waxa ay ka bilaabantay goobaha aan degmo doorashada aheyn, si wanaagsan ayay u socotaa, inta ay ka socoto ee aanu saaka soo kormeernay waa laba boqol iyo sideetan iyo dheeraad weeyaan, degmada Salaxley oo ay hore uga qabsoontay isku in uunba socota.

Waxaanu goobaha qaarkood ku aragnay dad hore isu diwaangeliyay oo imika diwaangelinta ku noqday oo kaadhkii ka gubtay, hadaba fariinta aanu bulshada u dirayna waxaa weeyi dadkii hore isu diwaangeliyay in aanay mar labaad gelin diwaangelinta, sababto ah waa uu ka gubanayaa kaadhku, waxaana fursadani ka faa’ideysanaya dadkii qaangaadhay intii diwaangelintii hore ka danbeysay, dadkii dalka ka maqnaa, iyo intii aan is  diwaangelin diwaangelintii hore, qofkii laba jeer is diwaangeliya ee uu ka gubto sidaasi ayuu ku waayaya ilaa diwaangelin danbe imaneyso”

Waxaa kale oo ka hadlay sanaaduuq wakhti dheerada lagu daray oo goobaha ku hadahaya iyo kuwo guurguuraya. “Waxaa jira sanaaduuq hadhaysa waxaana ka faa’ideysanaya dadkii kaadhadhku ay ka lumen, dadka doonaya doonayaa in ay ka bedeshaan goobtii ay hore isaga diwaangeliyeen, waxaad mooda  bulshadeenu in aanay aad ugu dhega-nugleyn wacyigelinta, meelkasta oo degmo doorasho ahna sanaaduuq ayaa ku hadhaysa”

Mar uu ka hadlay arrinta nabadgeliyada gobolka waxaa uu yidhi. “Nabadgeliyada Somaliland ay ku caano maashay dadweynaheena ayaa ka qayb qaata, nabadgeliyada gobolka  Maroodijeex waa mid taama, imika goobkasta oo diwaangelin ay ka socoto ciidan ku filan ayaa jooga”

Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayay abaar ka jirta degaanada qaar oo uu sheegay in aanay sameyn weyn ku yeelan diwaangelinta. “Gobolka Maroodijeex meelaha ugu ladan ayuu ka mid yahay, Salaxley oo kale diwaangelintu hore ayay uga qabsoontay, sannadkan roob yaraan ayaa dalka oo dhan ka jirta gobolladu haku sii kala darnaadaane, inkasta oo degaanada qaar laga guuray oo dad Hawd u talaabay, basle marka loo eego gobollada bariga Maroodijeex weli wey ladan tahay”

Leave a Reply