Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Geerida laba Marxuun…

0
397

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah  Marxuum Aadan Axmed Xirsi (Aadan Garas) iyo Marxuum Maxamed Jaamac Colow oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 13/12/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ku sifeeyey laba oday oo ka baxay dalka iyo dadka, kana mid ahaa waayeelka waayo aragga ah ee doorka muhiimka ah ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply