Hargeysa – Urur ay ku Midaysan Yihiin Khudradleyda Suuqa Gobanimo oo laga Furay Magaalada Hargeysa

0
643

Hargeysa (Dawan) Waxaa magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad lagu shaacinayay iskaashatada Talo-wadaag ee suuqa Gobonimo.

Sidoo kale iskaashatadani waa kuwo ka diwaangashan wasaaradda ganacsiga warashada iyo dalxiiska Somaliland.

Dhuux Cabdillaahi Cabdi kana mida masuuliyiinta wasaaradda ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska ayaa ku hanbalyeeyay iskaashatada ururka Talo-wadaag  qaadashada liisanka ganacsiga .“Aad iyo aad iyo aad waxaan u bogaadinayaa dadweynaha ganacsatada ah ee muruqooda iyo maalkooda intay isu geeyeen inay urur sameystaan ku fikiray, haddii aanu nahay wasaaradda ganacsiga cidkasta oo ganacsiga waddaka wax ku soo kordhinaysa waanu soo dhaweynaynaa, haddii aad tihiin ururkii ugu horeeyay ee Talo-wadaag ee sharciga dawladda qaatay ee sharciga u hoggaansamay, ee liisankii qaatay, ee inay waddankooda wax ku soo kordhiyaan ka bilaabay noloshooda waanu idin soo dhaweynaynaa”

Guddoomiye ku xigeenka iskaashatada khudradleyda suuqa Gobonimo Xaaji Cabdillaahi Nuur ayaa sheegay in ay laga maarmaan tahay in la helo urur lagu midaysan yihiin. “Waxaa lagama maar maan noqotay in aanu isu tagno midowno, liisan soo dejina sameysano, urur sameysano, kaas oo ku bahoobay, khudaarleyda”

Cabdifataax Axmed Muxumed guddoomiyaha khudradleyda suuqa Waaheen oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Iyaga oo ah muwaadiniin reer Somaliland ayay isku abaabuleen sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashato ay ku mid yihiin, oo ah in ay yihiin dadka wax soo dejiya ee khudaarleyda ee suuqa Gobanimo.

Waxaa aanu gacanta ku hayna muddo 7 sannadooda cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waaxdiisa dhimirka iyo kuwa caafimaadka qaba ee bukaan jiifka ah khudaarta cuntada loogu daro in laga qaado suuqa Waaheen”

“Haddii aynu sidaasi wanaagsan u midowno oo isugu duubnaano suuqa hoose iyo kan sareba waxaa imanaysa in dawladdu dhulkii aynu u baahnayn ay ina siiso”Ayay tidhi mid ka mida hooyooyinka ururkani khudradleyda suuqa Gobanimo.

Leave a Reply