“Waxaanu codsanaynaa in wixii xuquuq ah ee aanu leenahay in aanu dawladda Somaliland ka helno”…Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle
Buuhoodle (Dawan): Wefti uu hogaaminayay badhasaabka gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi, ayaa shalay kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolkaasi.
Weftigaasi waxaa hogaaminayay badhasaabka gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi.
U jeedada kormeerka weftigaasi ayaa ahayd sidii u bulshadda ugu wacyigelin lahaayeen in ay diyaar garoobaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo dhawaan ka bilaabmi doonta Buuhoodle iyo gobollo kale.
Waxaanay weftigaasi soo kormeereen deegaamadda Maygaagle, Dhalaama Cunne, Carro-weyn, Gucundhaale, Horufadhi, Dan-dan, Widhwidh iyo tuullooyin kale.
Deegaamadaasi oo dhamaantoodba ka tirsan gobolka Buuhoodle.
Sidoo kale waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaab ku-xigeenka Buuhoodle, taliyaha ciidamadda qaranka ee guutadda 130-aad ee gobolka Buuhoodle C/fataax Kayse Baydan, isuduweyaasha wasaarradaha dawladda qaarkood oo ay ka mid ahaayeen, caafimaadka, arrimaha bulshadda, waxbarashadda iyo xubno kale.
Badhasaabka gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi, oo la hadlayay bulshadda deegaamadii ay kormeerka ku soo mareen ayaa u jeedadda socdaalkoodda ku tilmaamay inuu la xidhiidho sidii ay bulshadda ugu baraarujin lahaayeen qaadashadda kaadhka codbixinta.
Inkastoo uu badhasaabka Buuhoodle laftiisu qiray in xiligan bulshadda deegaamadaasi intoodii badnayd ay ka hayaameen abaar ka jirta awgeed. Hase yeeshee ay hadana muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin qaadashadda kaadhka codbixinta.
Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxay ka mid tahay uun kormeerkii aanu ku maraynay gobolka Buuhoodle magaalooyinkiisa iyo goobihii loogu tallo galay doorashadda.
Inkastoo la guurray, oo dadku aad uga maqan yahay deegaanka, hadana intii awooda ahayd way nala shireen, waanay soo dhaweeyeen diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo doorashadaba”.
Geesta kale bulshadda ku dhaqan deegaamadii ay weftiga badhasaabku kormeerka ku soo mareen ayaa soo dhaweeyay weftiga. Waxaanay muujiyeen siday diyaarka ugu yihiin diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo la filayo in ay 27-ka bishan ka bilaabanto Buuhoodle.
Iyadoo ay dhinaca kalena waxgaradkii halkaa ka hadlay ay tabasho badan ka muujiyeen sida aanay xukuumadda Somaliland waxqabad iyo horumar uga fulinin deegaamadaasi.
Mid ka mid ahaa odayaasha deegaanka Caroo-weyn oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi, “Ka deegaan ahaan waxaa naga go’an oo aan soo dhawaynaynaa in aanu qaadano kaadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Kaasoo markii aanu eegnay faa’iidooyin badani noogu jiraan, oo dhinac kasta taabanaya. cid kastoo wada na waanu soo dhawaynaynaa”.
Waxaanu intaasi raaciyay, “Waxa kaloo jirta, deegaankani wuxuu ka mid yahay deegaamadda aanu horumarku ka soo gaadhin xagga dawladda Somaliland iyo haayadaha. Cidii joogta ayuun baa imika nala joogta ayuun baa arkaysa.
Waxaanu ka codsanaynaa cid kastoo u adeegta bulshadda in wixii aanu xaqa u lahayn, haday meel kale naga mari jireena na loo keenno. Haddii aanay soo bixi jirina, in ay noo soo baxaan” ayuu yidhi oday ka mid ahaa xubnihii halkaas ka hadlay.
Sidoo kale mid ka mid ahaa waxgaradkii halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Arrinta diiwaangelinta, waanu qaadanay. Haddii aanu nahay bulshadda deegaanka Maygaagle. Waxaan intaa ku darayaa, haddii aanau nahay reer Buuhoodle, dadkayagii wuu kala maqan yahay, wuuna kala guuray, Burca-na laba gobol ayaanu kala nahay.
Markaa diiwaangelinta in anaga wakhti na loo siiyo, oo aanaan had iyo goor keli ahaanin, oo aanu dalka xuquuq ku leenahay, oo aanu Somalilanders nahay. Ayaan u sheegayaa cida ay khusayso arrintaasi”.
Dhinaca kale mid ka mid ahaa odayaasha deegaanka Gucundhaale, ayaa isna yidhi, “Waan is diiwaan gelinaynaa, Kaadhka codbixintana waan qaadanaynaa. Hore na waan u soo dhawaynay, kuwan imikana waan soo dhawaynaa. Waanan la shaqaynaynaa, waanan is diiwaangelinaynaa. Haddii ALLE ka dhigo”.
Mid ka mid ahaa odayaasha deegaanka Gocondhaale, “Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waan soo dhawaynaynaa. Intaa waxaa noo raacda, wixii baahi ah, iyo wixii xuquuq ah ee aanu leenahay, in aanu dawladda Somaliland ka helno, ayaanu aad iyo aad ugu baahan nahay.
“Afar sanadood ayaanu halkan deganayn. Wixii naga soo gaadhay waa wax tirsan. Haday tahay waxbarashadda, qaybo badan ayaa naga dhiman. Caafimaad ma helno, biyuhuna waa nagu qaali”ayuu yidhi Oday kamida deegaankaasi.