Gaziantep (Dawan)- Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhinatay ka dib markii mashiinka oksijiinta uu dab ka kacay cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaal koonfurta-bari ee dalka Turkiga gaar ahaan gobolka Gaziantep, sida lagu xaqiijiyey war ka soo baxay Cusbataalka.
Dhacdadan ayaa ka dhacday qaybta daryeelka degdega ah loogu sameeyo dadka uu ku dhaco cudurka COVID-19 ee cisbitaalka jaamacada Sanko halkaas oo uu dab ka kacay mashiinka oksijiin.ta ee COVID-19, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay jaamacadu.
Dawannews Hargeysa office