Berbera: Haweenka Baahiyaha gaarka ah Qaba oo Barnaamij Waxbarasho loo furay

0
577

Berbera (Dawan) Waxaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, lagu qabtay  Munaasibad lagu daahfuraayay waxbarashada haweenka baahiyaha gaarka ah qaba.

Waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiinta gobolka iyo ka degmada Berbera, madax ka socotay wasaaradda waxbarashada, hay’adda waddaniga ah ee YOVENCO iyo maamulayaasha dugsiyada kala duwan ee magaalada Berbera.

Ugu horreyn waxa ka waramay mashruucaasi iyo sida uu uga bilaabmaayo magaalada Berbera Shabcaan Cabdilaahi Cilmi iyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo ka socday hay’add waddaniga ah ee YOVENCO, waxaana ay sheegeen in ay waajib tahay in la dhiirigeliyo hablaha baahiyaha gaarka qaba oo waxbarashada laga saacido isla markaana ay iskuulladu noqdaan iskuullo aan takoorayn ilmaha dhisme ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Caasha Ibraahin Cismaan oo ku hadlaysa afka haweenka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in haweenka baahiyaha gaarka ah qabaa ay helaan dugsi ay wax ku bartaan oo u gaar ah si ay dadka laxaadkooda qaba ay wax ula qaybsadaan.

Isu duwaha wasaaradda waxbarashada ee gobolka Saaxil Ibraahin Digaalle Maxamed iyo sidoo kale xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mashruucaasi, iyaga oo tilmaamay inuu ahmiyad weyn u leeyahay haweenka baahiyaha gaarka ah qaba.

Maayirka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo gebgebadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay ka war hayaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool gobolka Saaxil, isaga oo tilmaamay in dadka naafada ahi ay xaq ku leeyihiin qaranka, waajibna ay tahay in wax loo qabto oo ay xaq

Leave a Reply