Difaaca Dagaalyahanka Dumarka Giriinka Ah!

0
503

Dalka Hindiya waxa ka jira koox ama guutooyin Dumar ah oo ku hubaysan qoryo ulo dhaadheer  oo ay la dhacayaan nin kasta oo ka soo hor baxa. Waa dumar cadhaysan oo xidhan dhar wada casaan ah.

Dariiqyada dalka Hindiya ayay isugu soo baxaan waxaana ay la dhacaan nin kasta oo ka soo hor baxa ulaha dhaadheer oo ay sitaan. Dadka ay la dhacayaan xataa waxa ka mid ah ciidanka booliiska, waxaana booliisku ay iyaguna soo qaataan ulo la  mid ah kuwa ay sitaan si ay ula dhacaan.

Dumarkan ayaa ka cabanaya inay cadaadis kala kulmaan ragooda, waxaana ay dariiqyada u socdaan si habaysan iyagoo sita ulahooda. Nin kasta way la dhacayaan usha si koox ah  iyadoo laga yaabo in kooxdan dumarka raga ay garaacayaan uu noqon karo wiilka ay dhashay.

Hindiya ayaa wakhtigan ah dalka dunida sida weyn cadaadis iyo dhibaato loogu hayo dumarka. Kooxaha dumarka ayaa sheegay in aanay joojinayn ilaa iyo wadahadal lagu dhameeyo arrinkan oo ay isa soo hor fadhiistaan xubno raggu soo doortay iyo xubno dumarku soo doortay oo laga heshiiyo dhibaatda lagu hayo dumarka. Waxaana ay dumarkani u habaysan yihiin sida ciidanka iyago leh hogaamiye iyo dagaal geliye.

Leave a Reply