Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland oo  Gaadiid ku Wareejisay shan Degmo …

0
541

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa Gaadiid ku wareejiyay shan degmo oo ka mid ah degmooyinka dalka.

Munaasibadda wareejinta gaadiidkaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, ugu horayn waxa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, oo sheegay in wasaaraddu bilawday qorsheyaal lagu kabaayo degmooyinka iyada oo  miisaaniyadda qaranka sanadwalba ugu daraysa gawaadhi degmooyinka bilaa Gaadiidka ah si korloogu qaado shaqada degmooyinka ee dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegay in gaadiidkan lagula xisaabtami doono guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyada oo lixdii biloodba lagu samayn doono kormeer.

Guddoomiyeyaasha shantan degmo ee gaadiidka lagu wareejiyay ayaa soo dhaweeyay qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ay ku kaabayso Gaadiidka degmooyinka.

Degmooyinka widh-widh iyo Dararaweyne oo ka tirsan gobolada Sanaag iyo Buuhoodle ayaa la gudoonsiiyay min hal gaadhi oo nooca loo yaqaano Seerafta halka Degmooyinka Qorilugud, Oog iyo Balli-mataan oo ka kala tirsan Saraar, Buuhoodle iyo Maroodi jeex la gudoonsiiyay min hal Gaadhi oo nooca loo yaqaano Noohada ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed.

Leave a Reply