Ex-xildhibaan Mustafe Qodax  oo Dalka dib ugu soo laabtay

0
537

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa waxaa maanta soo gaadhay Ex-xildhibaan  Mustafe Qodax oo ka tirsanaa mudanayaasha aqalka sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse dhawaan iska casilay xilkaasi, kadib markii uu  cafis weydiistay xukuumadda Somaliland, ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe Qodax oo ka soo amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta,  ayaa afar sano kadib, si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargeysa.

Mustafe Qodax oo ka hor xilka xildhibaano, xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiyada Somaliland, ayaa madashii lagu soo dhaweeyay ka sheegay in uu ka tanaasulay mabdi’ii uu qaatay ee uu ku tagey Soomaaliya, islamarkaana cafis uu weydiistay xukuumadda Somaliland.

Dhanka kale bil ka hor ayay ahayd markii uu magaalada Hargeysa, dib ugu soo laabtay xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, kadib markii uu cafis ka dalbaday xukuumadda Somaliland.

Mustafe Qodax isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Aad ayaan u faraxsanahay, dareenkayga lama soo koobi karo,  muddo afar sano iyo bil ah oo aan ka maqnaa magaaladii aan ku barbaaray magaaladaydii Hargeysa caasimaddii Somaliland, inaan ku soo noqdo oo la igu soo dhoweeyo aad ayaan ugu faraxsanahay ,bahda saxaafadda iyo bahdii goloyaasha ee isoo dhaweeyey,”

Mustafe Qodax isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray. “Dubai ayaan joogay muddo bil ah, xilkii aan ka haayey Soomaaliya halkaas ayaa iskaga casilay xaflad lagu qabtay, halkaas anniga oo jooga ayaan cafis ka soo dalbaday, sidii ayaan ku imid wixii dambe waan isaga imaanaynaa, maanta runtii aad ayaan ugu faraxsananahay,”.

 

Leave a Reply