Natiijada daraasad lagu sameeyey adeeg-bixinta Hay’addaha dawladda qaarkood oo loo gudbiyey madaxweynaha

0
651

“waxaa muhiim in fikirka ku saabsan maamul-wanaaga ee meesha hoose taagan ee ka soo baxay dadweynaha kor loo qaado”Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga JSL

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Daraasad lagu sameeyey heerka adeeg bixinta 15 Hay’addood oo dawli ah, ayaa lagu soo bandhigay munaasibad guddida Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa Xukuumadda Somaliland ku qabteen magaalada Hargeysa salaasada maanta, taasoo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan laamaha dawladdu.
Daraasadan oo socotay muddo sagaal bilood ah, Xafiisyada laga sameeyeyna ay ku jiraan Wasaaraddo iyo Hay’addo kale oo xukuumi ah, ayaa waxa si gaar ah loogu beegsanayey habka adeeg-bixineed ee xarumaha laga fuliyey, taasoo lagu saleeyey halbeegga dawlad-wanaagga, go’aan ka gaadhista arrimaha maamul iyo caqabadaha ku gedaaman ku dhaqanka nidaamka maamul-wanaaga.
Munaasibada Guddidu ku soo bandhigeen natiijada daraasadan oo ay ka qaybgaleen, Madaxda guddida maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha, Ganacsiga, Madaxtooyada, Deeegaanka, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Prof. Mustafe Maxamuud Ibraahim (Prof. Khaliili) oo hogaaminayey darasadan, kaasoo sharaxaad ka bixiyey muddada ay socotay daraasadu, waxyaabaha lagu saleeyey iyo ujeedooyinka looga dan leeyahay.
“Daraasadan saddex qaybood ayaa laga sameeyey oo la eegayey. ta koowaad waxa lagu eeggayey heerka ay Dawlad-wanaagga ka taagan yihiin 15 Hay’addood, iyadoo loo eeggayey halbeegyada caalamiga ah ee Dawlad-wanaaga.
waxa kale oo la eeggayey waxyaabaha go’aanka ka gaadha maamul-wanaaga iyo qodobka saddexaad oo ah maxaa caqabado Somaliland ka haysta maamul-wanaaga”ayuu yidhi.
masuulka daraasadan hogaaminayey, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in kharashka cilmi-baadhistan lagu fuliyey uu yahay dakhligii miisaaniyada ugu jiray Guddida maamul-wanaaga.
“Waxaan xusayaa daraasaddan socotay sagaalka bilood in aanay wax hay’ad ah oo ajaanib ah iyo cid kale toona wax lug ah ku lahayn, waxa u sharaf ah Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda Maamul-wanaaga in howsha cilmi baadhista laga fuliyey Kharashkii ugu jiray Miisaaniyada sanadlaha ah oo ay una fuliyeen dad muwaadiniin ah oo mutadawacnimo ka geysanayey”ayuu raaciyey Prof. Khaliili.
Guddoomiyaha Guddida Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa Md. Dayib Aadan Xaaji oo isaguna Xafladdaasi ka jeediyey hadal dheer, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada ka soo baxday cilmi-baadhistan, waxaanu shaaca ka qaaday in qorshaha labaad ee daadejinta maamul-wanaaga lagu jaan-goynayo wax ka qabashada gol-dalloolooyinka ay soo saartay daraasaadu.
Geesta kale waxa Guddoomiye Dayib halkaasi ka beyaamiyey in ay madaxweynaha u gudbiyeen natiijada daraasaddan, isagoo dhinaca kalena si guud tallooyin ugu jeediyey madaxda Hay’addaha Dawladda.
“cilmi-baadhista markii la sameeyey lix bilood ilaa todoba bilood ka hor oo aynu halkan wada joognay wixii ka soo baxay waanu la wadaagnay madaxweynaha, oo maadaama ay Hay’addani dawladda u qaabilsan tahay kormeerka iyo qiimeynta Hay’addaha dawladda oo dhan, kulankii aanu la samaynay madaxweynaha ayey kamid ahayd in aanu u bandhigo xogta daraasaddu soo saartay. waana meelaha layska sixi doono sanadkan 2021.
Hay’addaha dawladdu dhamaantood waxa ay u taagan yihiin adeeg bixin, waxaa muhiim in fikirka ku saabsan maamul-wanaaga ee meesha hoose taagan ee ka soo baxay dadweynaha kor loo qaado”
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay sanadkan xoogga saari doonaan wacyigelinta Bulshada, si kor loogu qaado fahamka dadweynaha ee ku taxaluqa maamul-wanaaga.
“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu doonayno in aanu sanadka 2021 xoogga saarno waa wacyigelinta bulshada oo ka bilaabmaysa gobolka iyo Degmada oo aanu wada shaqaynta ugu dhow yeellanayno wixii hadda ka dambeeya si dadweynaha loo fahamsiiyo maamul-wanaaga”
Agaasimaha guud ee Xafiiska guddida maamul-wanaaga, Maxamuud Ismaaciil, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Ganacsiga, Madaxtooyada iyo horumarinta Deegaanka oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa soo dhaweeyey cilmi- baadhistan dawliga ah ee lagu sameeyey hannaanka adeeg-bixineed ee xarumaha dawladda, waxaanay dhamaantood ku bogaadiyeen guddida talaabada ay ku xaqiijinayaan habsami-ugu-adeeg-bixinta dadweynaha.

Leave a Reply