ILLAAHEY darti u caawi gabadh yar oo Indhaha Biyo ka Galeen, Caafimaadkeedana Gacan ka Geyso

0
624

Hargeysa (Dawan) Asma Axmed Cali, oo ah gabadh yar oo sideed sano jir ah, islamarkaana nimcada aragga wayday iyada oo 7-bilood jirta.

Hooyada dhashay Asma dhakhaatu waxaa ay u sheegeen in dalka guddihiisa aan waxba looga qaban karinm, sabab la xidhiidha biyaha indhaha kaga furan, kuwaas oo ay sheegeen in jidhka intiisa kale u gudbi doonaan haddii aan deg degg looga gaadhin.

Waxaa kale oo Hooyada Asma dhashay ay caddaysay in qadar lacageed oo dhan 50-kun oo dollar lagu xidhay gelitaanka mid ka mida indhaheeda, islamarkaana ay u wayday awood dhaqaale.

Waxaa ay bulshada ka codsanaysa in ILLAAHEY dartii loo caawiyo, waxna lagala qabto dhibta haysata inanteeda yar.

Walaal ILLAAHEY dartii u caawi qofkii uu soo gaadho muuqaalkeedu.

Leave a Reply