Wasaaradda Degaanka oo Sheegtay in ay Shaqeyn Weyday Wareegtadii Madaxweynaha ee Joojinta Bacaha

0
708

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Bandare), ayaa sheegtay in ay shaqeyn wayday wareegtadii madaxweynihii hore ee   Somaliland uu ka soo saaray  joojinta Bacaha, islamarkaana ay ku guuldarreysteen mabnuucisteeda iyo hakinteeda hay’addihii shaqada ku lahaa oo dhammi.

Sidoo kale wasiir Shukri waxaa ay sheegtay in ay Moofooyinka Furinka lagu duba ay qayb ka yihiin nabaad guurka degaanka, oo cidda ugu badan ee isticmaasha dhuxusha ay yihiin iyaga.

Dhanka kale waxaa ay intaas ku dartay in toddoba kun iyo shan boqol oo gaasta wax lagu karsado ah ay ka saacideen sidii ay u iibsan lahaayeen dadka danyarta ahi, ogolaadeena shirkadaha soo dejiya gaasta in qiima jaban oo ay awoodi karaan kaga iibiyaan.

Wasiir degaanka Marwo Shurki ugu horreyn waxaa ay daaha ka fayday in ay u maaro waayeen joojinta Bacaha dhammaan hay’addihii ku shaqada lahaa.  “Bacdii oo la mabnuucay 4/4/2015-kii  shan sano kadib waxaa la is waydiiyay halkee ayay wax marayaan, shanta sano ee aynu soo dhaafnay joojinta bacdaasi waa aynu ku guuleysan waynay, intayadii shaqada ku laheyd oo dhammi, Bacdii magaalada ayay taalla, waana la mabnuucay digreeto ayay ku soo baxday, sharci ayaa ka soo baxay, raggi warshadaha lahaa waa laga xidhay, labadii warshadood ee u waa weyna dawladdu lacag ayay u celisay inkasta oo aanay u dhaweyn wixii ay soo siisteen.

Haddana warshadaha markii la xidhay ee Somaliland gudahoodii laga xidhay, haddana bacdii maanta magaaladii waa ay taalla, dukaan kasta waa ay taala, ciddkastaba wax waa loogu ridaa.

Maanta oo kale Kastamiska waxaa yaala sideed milyan oo xabbo oo la soo qabtay, oo dhawaantan la soo qabtay, illaa sideed milyan oo xabbadood ayay hayaan oo maanta gacanta  lagu hayaa.

Bacda joojinteeda waanu ku guuleysan waynay, in alaale intayadii shaqada ku laheyd oo dhami ama dawlad hoose ha ahaato, ama ha ahaato wasaaraddo, ganacsiga annaga, maaliyadda, waanu ku guuleysan kariweynay si aanu u xakameyno, sababto ah mar haddii aan isku aragti laga wada aheyn oo aan meel laga wada duuleyn taasi waanu ku guuleysan waynay, imikana shir ayaa loo ballansan yahay sidii wax looga qabanlahaa”

Sidoo kale waxaa ay ka hadashay in goobaha Furinka lagu duba ay qayb ka yihiin nabaad guurka degaanka. “Inay ka tagaan dhuxusha oo ay isticmaalaan gaasta, iyo wixii la mida, goobaha furinka lagu dubo ayaa dhuxusha faro baas ku haya, sababto ah xaabo ayay wax ku shidaan, waxaa aanu ugu taag waynay waxaa aad ku shidaan Garan-waaga meel walba ku yaala, dhirtii oo noockasta leh ayaa Moofooyinka Roodhida lagu sameeyo horyaala”

Waxaa kale oo ay sheegtay in ka dawlad ahaan ay ka hawl galeen sidii dadka danyartu u heli lahaayeen gaasta cunada lagu karsado oo qiimo jaban. “Annagu ka dawladd ahaan ama ka wasaarad ahaan waxaa aanu bixinay oo aanu sannadkan bixinay, maantana qorshaysan in la bixiyo marka la isku daro illaa toddoba kun iyo shan boqol oo gaastaas ah oo lacag la’aan ah.

Badhna lacag la’aan ayaa lagu bixiyay oo dadka ayaa la siiyay badhna halkii haantu ahayd 34-dollar, 12-dollar ayaanu ka dhignay, si dadka inta danyarta ah iyo kuwa kaleba ay u iibsan karaan, ayaanu ka wasaarad ahaan annaga oo shirkadihii la kaashanayna aanu ka dhignay, waliba ta 6-da kiilooya ee dumarku ugu jecel yihiin ee iyaga oo kursigooda ku fadhiya ay isticmaali karaan 6-dollar ayaanu ka dhignay, maanta Somgas iyo Hass-ba waa ay bixinayaan, suuqa ayay yaalaan oo lagaga iibsanaya qiimo jaban, waxaana fursadaasi la siinayaa dadka danyarta ah inay iibsadaan”

Leave a Reply