Xukuumadda Somaliland oo Bilaabaysa Dhismaha Masaajidka Saylac

0
1119

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha iyo dalxiiska  Somaliland mudane, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in ay qorshaha ugu jirto dib u dhiska Masaajidka magaala Xeebeedka Saylac, dhismayaal laga hirgelinayo degmadda Laas Geel iyo qodobo kale.

Wasiirku waxaa uu sidan ka sheegay kulan uu la qaatay guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland.

“Asaarta qadiimiga ah xoog ayuu saaray, kuwaas oo ay ka mid yihiin, imikana diyaar ayaan u ahay ayuu yidhi wixii dadaala, sida masaajidka Saylac, Laas-geel, Ceerigaabo, waxaasi oo dhan tafaasir fara badan ayuu ka bixiyay, xaydaab ayuu u sameeyay meel walba”Ayuu yidhi xildhibaan Obsiiye guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply