Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay si weyn loo soo agaasimay oo Bulsho weynta degta degmada Sayla ay kusoo ku soo bandhigaysay labadii xildhibaan ee Baarlamaanka iyo Deegaanka u matalayey doorashadda dhawaan dalka ka dhici doonta.
Munaasibadan waxaa goob-joog ka ahaa Ugaaska guud ee Beelweynta Ayuub.
Guddoomiyaha guddida horumarinta Beel weynta Ayuub, xildhibaanka goolaha guurtida ugu jira Beelweynta Ayuub, madax dhaqameed, haween, dhallinyaro dhamaantood ka tirsan Beesha Ayuub iyo madax sarre oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, marwada guddoomiyaha, hoggaanka garabka Haweenka ee xisbiga ayaa ku soo afmeerantay si qurux badan.