11 Dekeddood oo ay Somaliland yeelanayso Iyo Hay’addaha Dekeddaha la Aasaasayo

0
552

Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa loo qaybiyey Xeerka Dekeddaha Somaliland, kaas oo ay ka dooddi doonaan Xildhibaannadu maalmaha soo socda.

Xildhibaan Maxamuud Axmed  Obsiiye oo ka mid ah guddoomiye ku xigeenka guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiillada, ayaa golaha warbixin ka siiyey Xeerkan, isaga oo xusay in uu aasaasayo Hay’adda Dekeddaha Somaliland, oo ka kooban 9 xubnood oo Madaxweynuhu magacaabi doono, isla markaana uu awood u leeyahay in uu xilka ka qàado.

Sidoo kale Xeerkan ayaa lagu xusay in ay Somaliland, yeelan doono 11- Dekeddood oo taxan Saylac Illaa Ceelaayo inta u dhaxaysa.

Dekeddahan, ayaa waxa ay noqon doonaan Deegaannada Xeebta ku taalla ee Saylac, Lughaya, Bulaxaar, Berbera, Ceel-daraad, Karin, Conqor, Ruguuda, Shalacow, Xiis, Maydh, Carsho, Laasqoray Iyo Ceelaayo.

Sawirka Dekadda Berbera.

Leave a Reply