Dhagax-dhiga Fasalo Cusub oo lagu Kordhinayo Jaamacada Nugaal

0
434

Laascaanood(Dawan) Jaamacada Nugaal, ee magaaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa saaka la dhagax-dhigay fasalo cusub oo  lagu kordhiyo.

Waxaa dhismaha fasalada Jaamacadan lagu kordhiyay goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, maamulka jaamacad iyo masuuliyiin kale.

“Saaka waxaanu dhagax dhignay, dhisme labaad oo ka kooban 8 fasal, hall iyo xafiisyo lagu kordhinaayo Jaamadda Nugaal ee Laascaanod.

Waxaana dhismahan uu qayb ka ahaa miisaaniyadii Dawladda ee sannadkii 2020 ka.”Ayuu yidhi Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan, la taliyaha arrimaha bulshada ee madaxweynaha Somaliland.

Leave a Reply