Hawlagaladii Basaasiintii Caanka Noqday !

0
505

Virginia Hall, waxa ay ahayd gabadh Basaasad Maraykan ah oo ku dhalatay Baltimore sanadkii 1906. Waxaana ay ka qalinjebisay  labadii kuliyadood ee qiimaha weyn ku lahaa waxbarashada sare ee  haweenka ee kala ahaa Barnard College oo ku taallay magaalada New York iyo Radcliffe College oo iyaduna dalkaasi ku taalla gaar n u ahayd waxbarista dumarka.

 

Gabadha Viginia Hall waxa kale oo ay markii dambe waxbarashadeeda  ka sii wadatay dugsiyo iyo machadyo kala duwan oo ku kala yaaley wadamada  France, Germany iyo  Austria.

 

Gabadhani waxa ay ahayd qof leh  higsi iyo hiwaayad fog oo ah  inay ka shaqayso waaxda arimaha debedda ee dalkeeda. Sidaa awgeed markii la arkay hamigeeda iyo firfircoonida xad dhaafka ah ee leedahay waxaa  iyada oo  25 jir ah loo magacaabay xoghaynta xafiiskii adeega dadweynaha u qaabilsanaa safaaradii  Maraykanka ee ku taalay Magaalada Warso ee caasimada wadanka  Poland.

 

Shaqadaas Virginia Hall aad ayay ugu faraxday sababtoo ah waxa ay u arkaysay inay u tahay fursad  weyn oo u  fududayn karta inay ku guulaysato ka dhabaynta riyadeedii. Laakiin nasiib daro wax ka yar dib markii shaqada loo magacaabay Virginia Hall  waxa soo gaadhay dhaawac ay ku weyday labadeedii lugood mid ka mid ah, ka dib markii iyada oo ku jirta hawl ugaadhsi ah ay si lama filaan ah  isugu qarxisay qorigeedii ay adeegsanaysa ugaadhsiga waxaana lugta bidixda kaga dhacay xabad rasaas ah ee ay iyadu riday.

 

Sidaa daraadeed maadama sebenkaasi  aqoonta iyo qalabka dhinaca caafimaadku ay labaduba koobnaayeen Dhakhaatiirtii daweynaysay dhaawacii soo gaadhay Virgina Hall kumay guulaysan lugteedii inay badbaadiyaan. Sidaa awgeed waxa sanadkii 1933-kii Virginia Hall laga gooyey lugtii dhaawacu ka gaadhey, taasoo laga gooyey  lawga hoostiisa, waxaana loo geliyey  lug qori   (loox)    ah oo loogu talo galay inay ku boodo, halkii ay ka guguuran lahayd.

 

 

Mudadaasi wixi ka danbeeyey Virgina Hall waxa lagu naanaysi jiray  “prosthetic leg” oo ah lugtii macmalka ama sanaaciga ahayd. Naafanimadeeda ayaa Virginia waxa ay u horseeday inay ku doodo  inay xaq u leedahay in la baro  xirfado dheeraad ah arintaas oo loo tixgeliyey. Mudadaa wixii ka danbeeyayna ee ahayd dhawrkii sannadood ee ku xigay sannadkii ay curyaantay Virginia waxa ay Wasaaradda Arimaha dibeda siyaabo kala duwan ugaga  shaqaysay dalalka Turkey, Italy, iyo  Estonia. Kuwaas oo ay midba xili ka shaqaynaysay  ka hor intii aanu ku soo dhicin ama ku soo dumin saqaf muraayad ahi.

Markaa taasi laga yimaadana, Waxa ay ahayd qof cajiib oo luqadaha Talyaaniga, Jarmalka iyo Faransiiska si fiican ugu hadasha.

Miss. V.Hall Waxa ay iska casishay shaqadeedii sanadkii 1939 , wakhtigaasi oo taako kasta oo Yurub ka mid ah uu ka bilaabamay dagaal weynihii labaad. Waxaana ay ahayd gabadh dhalinyaro ah oo awood badan isla markaana leh hami iyo  ujeedo fog. Gabadhan V.  Hall kamay cararin qaaradda dagaaladu halakeeyeen, kumana ay noqon dalkeeda Maraykanka oo wakhtigaasi nabad ahaa.

Iska dhaaf inay sidaasi yeeshee waxa ay ka qayb qaadatay shaqadii samafalka ahayd waxaana ay noqotay darawalka  mid ka mid ah baabuurta Amblaaska ee dalka Faransiiska iyadoo hawshaasi waday ilaa Faransiisku is dhiibay sanadkii 1940.

Wakhtigaasi ayay ka mid ahayd dadkii loo daad gureeyay London, iyadoo mar kale safaaradii  Maraykanka ee London ka qabtay booska adeegaha bulshada.

Waxaana ay si dhakhso ah ugu baraarugtay kooxihii sirdoonka Jarmalka ahaa ee hawlagalada gaarka ah doonyay inay ka fuliyaan Ingiriiska kuwaasi oo raadinayay wakiiladii sirdoonka ah ee la shaqaynayay kooxhii Faransiiska ee iska caabinta ku jiray.

Sanadkii 1941 waxa ay bedeshay shaqadeedii iyadoo noqotay weriya u sheqeeya wargeyska New York Post ka dib markii ay tagtay magaalada lyon ee Faransiiska.

Waxaana ay ku shaqo gashay magaca ah weriyaha Marie Monin iyadoo noqotay gabadhii ugu horaysay ee wakiil uga noqota dalka Faransiiska.
Waxaana ay halkaasi joogtay muddo 14 bilooda ah.

Shaqada ay haysay ayaa ahayd  ah inay bixiso adeegyada fariimaha degdeg ah ee la isu dirayo, waxaana ay kaalmayn jirtay askarta dagaalka ka baxsanaya ee Jarmalka ah iyo weliba maxaabiista dagaalka lagu qabto, iyadoo sidoo kale heli jirtay qalab ku haboon in ay si fudud wax loogu basaaso looguna diro.

Iibka qalabka saxaafadda sida waraaqaha iyo qalimada khadka ah ayaa ahaa kuwo mamnuuc ah iyadoo kooxaha iska caabinta ee Faransiiska aan loo ogolayn inay fikradahooda ku qoraan kuna soo bandhigaan wargeysyada.

Haddaba taageeradii Hall iyo kuwii iyada la mid ahaa ay siiyeen Wargeysayda ayaa ka dhigtay in sanadkii 1942 ay wargeysyadu gaadhaan inay helaan in ka badan 2 milyan oo akhriste Faransiiska gudihiisa.   Wakhti kasta waxa ay u diri jirtay warbixinaha New York Post si ay u qariso shaqadeeda rasmiga ah ee ay hayso oo ahayd hawlaha sirdoonka iyo basaasidda ah.

Intii mudadan lagu jiray ayuu Jarmalku ka war helay hawlaha ay ku  jirto Hall . Sirdoon Faransiis oo labada dhinac la shaqaynayay Jarmalka iyo Faransiiska ayaa fashiliyay gashaantidii curyanka ahayd “limping lady” kaasi oo xidhiidh dhow la lahaa kooxhii  basaasiint ee la shaqaynayay Faransiiska.  Xaqiiqdii waxay fulisay halwgalo guul ah oo ay  ku taageerayso ciidamadii Iska caabinta ee Faransiiska kuwaasi oo bilaababay inay niyad xumo ku ridaan Jarmalkii… la soco qayb kale.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply