Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo xadhiga ka jaray Garoon ciyaareed oo laga hirgaliyey Magaaladda Balli-gubadle.

0
399

Balligubadle (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha ayaa xadhiga ka jaray garoon dhismihiisa laga hirgaliyey Magaaladda Balli-gubadle ee xarunta Gobolkaas.

Munaasibadii xadhig ka jarka garoonkani waxaa ka soo qayb galay duqa degmadda Baligubadle,  iyo Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Balli gubadle oo tilmaamay faa’iidada uu garoonkani u yeelan doona dhallinyaradda.

Ciyaar yahan Maxamuud Cabdi Xasan Goofiindha oo hirgaliyey garoonkan ayaa sheegay inuu uga dan leeyahay sidii uu kaalin uga qaadan lahaa is dhexgalka dhallinyaradda iyo kor u qaadista adeegyada bulshadda.

Guddoomiyaha Gobolka Hawd iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha ayaa u mahadnaqay ciyaar yahanka dhisay garoonkan.

Leave a Reply