Waxay samayn jirtay subagga Adhiga oo ay suuqa ku iibin jirtay, waxaana ay halkaasi ka dhegaysan jirtay dhamaan waxa ay ku hadlayaan ciidamada Jarmalka, iyadoo isu eekaysiisay Islaan da’ ah oo beeralay ah.
Mar kale ayay ka baxsatay goobtii ay joogtay ka dib markii ciidanka Jarmalku dhegaysteen war laliye ay isticmaalaysay. Wakhtigaasina ka dibna waxa ay tababar ciidan oo dagaalada ku dhufo ka dhaqaad ah ““ Guerilla war” la qaadatay saddex guuto oo ka mid ahaa ciidamadii dagaalyahandii Faransiiska ee iska caabinta kula jiray Jarmalka .
Markii ay ciidamadii isbahaysigii u diyaar garoobeen inay weerar ku soo qaadan Jarmalka haysta Faransiiska iyada iyo kooxdeeda ayay la xidhiidheen, waxaana ay ahayd gabadhii u gudbisay sirta ah inay marka hore burburiyaan wadooyinka Tareenada, biriishiyada, Isgaadhisiinta, Tareenada xamuulka qaada iyo dhamaan kaabayaasha lagama maarmaanka u ah shaqooyinka Jarmalka.
Gabadha Hall ayaa ka danbaysay dilka 150 Askari Jarmal ah iyo 500 oo la qabtay. Dadaalkii weyn ee samaysay dagalkii labaad awgeed ayay dawladda Ingiriisku ka dhigtay xubin sharafeed qiimo ku leh dalkeeda. Maraykanku waxa uu gudoonsiiyay bilad sharafta dhinca ciidanka u qaalisan. Waxaana ay noqotay gabadha keliya ee shicib ah ee dalka Maraykanka lagu abaal maryo bilada sharaf dagaal weynihii labaad.
Madaxweyinihii Maraykanka ee sebenkaasi President Turman ayaa doonayay in loo qabto xaflad weyn oo caam ah marka gabadhan la gudoonsiinayo biladda abaal marinta ah, si dadka kale ay ugu daydaan , laakiin iyadu waxa ay rabtay in loo sameeyo xaflad gaar ah oo hooyadeed oo keliya ay kala soo qayb gasho. Waxaana ay tidhi “ Weli waan shaqayn karaa, waxaana inta badan ku werweraa hawshaasi”.
Sidaasi darteed may rabin xafladda caamka waayo waxa ay ka cabsi qabtay in wejigeedu caan noqdo, dadkuna bartaan ka dibna shaqada basaasida ay qaban kari weydo.
Sanadkii 1951 ayaa si rasmi ah loogu daray ciidanka CIA ee Maraykanka, waxaana ay la shaqayn jirtay sirdoonkii baarlamanka Faransiiska. Sanadkii 1966 , basaasadda Hall waxa ay hawlgab ka noqotay shaqadii sirdoonka ee ay waday iyadoo curyaan ah.
Virginia Hall oo ka soo jeeday qoys maalqabeen ah ayaa weligeed haddana jeclayd inay noqoto sarkaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka. Waxaana ay noqotay gabadhii ugu geesisanayd sirdoonkii dumarka ahaa dagaalkii labaad. Waxa ay badbaadisay ciidamo badan oo ka tirsanaa isbahaysigii dagaalka kula jiray Jarmalka iyo xulafadiisa, iyadoo la shaqaynaysay sirdoonkii labadii dawladeed ee ugu weynaa isbahaysiga jebiyaya Jarmalka ee Ingiriiska iyo Maraykanka. Safiiradii Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa isku mar wada gudoonsiiyay shaahaado sharaf iyagoo xafladda lagu qabtay guriga ay lahaayeen Hall iyo qoyskeedu ee Washington ku yaallay.
Waxay ahayd geesiyada ka qayb qaadatay iska caabintii Faransiiska ee Jarmalka, waxaana xaflada uu ka akhriyay safiirka Faransiisku warqad uu soo qoray madaxweynaha Faransiisku oo uu ku amaanayo uguna mahad celinayo Hall. Safiirka Ingiriiskuna wuxu xaflada ugu keenay qoyska basaasadda V.Hall bilad qaali ah oo ah biladda boqor King George VI.
Sanadkii 1950 ayay guursatay Paikl Goilot oo isna ka tirsanaa sirdoonka OSS , waxa ay ka shaqayn jirtay dhiniciisa. Virginia Hall waxay ku dhimatay 8 July sanadkii 1982, Isbitaalka Adventist Hospital ee dalka Maraykanka iyadoo 76 jir ah, waxaana lagu aasay xabaalaha Druid Rudge Cemetery. Dhamaad