XIKMADAHA MAANTA

0
1248
  • Haddii aad cadhooto waxaad la mid tahay qof cabay sun isagoo doonaya inuu cadawgiisu ku dhinto. Kaasi oo moog inuu yahay ka ku dhimanaya. Sidaasi ayay cadhadu adiga kuu dilaysaa.
  • Maalin ayay cadceedu soo bixi doontaa adigoo aan joogin dunida, maalintaasi u diyaar ahaw.
  • Haddii aad wakhti kasta rumaysnaato inaad saxan tahay ,weli nolosha waxba kama aad baran. Khaladkuna waa cashar uu ku siinayo macalin khabiir ahi.
  • Arinta ugu wanaagsan ee ku difaaci kartaa markaad maqan tahay waa akhlaaqda iyo dhaqankaaga wanaagsan.
  • Caqliga wanaagsani waa ubax qurux badan oo aan ka bixin beertaada.
  • Ma jiro qof  qalbigaaga dhaawaci kara haddii aanad siraha iyo meelaha aad u liidato u sheegin.
  • Dadka oo dhan hakula dhaqmin dabeecad keliya waayo cudurada  ma kaxayso dawo keliyi.
  • Dadka wanaagsani waa sida Shamaca oo kale, isagoo gubanaya ayuu dadka kale iftiin siiya, sidaasi ayay dadka wanaagsani naftooda u ilaawaan si ay dadka kale wax ugu taraan.

 

Leave a Reply