Wasiirka Caafimaadka oo Xadhiga ka Jaray MCH Isku Tashi Bulsho lagu Dhisay

0
408

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, mudane Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee degaanka Sabawanaag oo ka tirsan degmada Dilla ee gobolka Awdal.

Xaruntani hooyada iyo dhallaanka oo lagu dhisay isku tashi bulsho ayaa ah mid ay suuragaliyeen dalad ay ku midoobeen Qurba-joogta iyo dadka degaankaasi.

Wasiirka ayaa balanqaaday in uu isagu la wareegayo masuuliyada xarunta hooyada iyo dhallaanka ee laga hirgeliyay degaanka Sabawaag.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in ay jiraan xarumo caafimaad oo kala duwan oo uu daahfuray toddobaadkii tagay, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ka markhti kacayaan nabadgelyada iyo horumarka dalka ka socda.

Waxaa munaasibadii xadhig jarka xaruntan hooyada iyo dhallaanka ee isku tashiga bulsho lagu dhisay ka qayb galay, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, dadweynaha degaanka, masuuliyiinta ururka Wada-jir iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Dalada Wada-jir, ee dhismahaasi  hirgelisay Xamse Saleebaan Sheekh Ibraahim, ayaa ka hadlay hirgelinta xaruntan. “Dhab ahaantii Daladan Wada-jir waxaa ku bahoobay dhallinyaro degaanka u dhalatay Qol-qol joog iyo Qurbajoogba, intii ay joogtayna waxyaabaha ay ka qabatay waxaa ka mid ahaa.

Biyo gelintii degaanka dhismaha xaruntan hooyada iyo dhallaanka, iyo sidoo kale in aanu ka bixiyo kharashaadka beeraha ay ku qodanayaan dadka danyarta ah ee aan laheyn awood ay ku qotaan beeraha.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa yidhi. “Haddii aanu nahay wasaaradda horumarinta caafimaadka dhismahan marka nalagu wareejiyo, annaga ayaa na looga tagaa wasaaradda ayaa wada oo adeeg bixinta caafimaadku uu saaran yahay, waxaanu balan qaadayna in wixii dhiman aanu annagu dhammeystirno, xaruntaasina ay shaqeyso, waxaa ugu mihiimsana waa in goobtii ay shaqeyso.

Xaruntaasina sidaasi ayay ku tahay xarun hoos imanaysa maamulka caafimaadka ee heer gobol iyo heer degaanba.

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Awdal dhawr cisbitaal ayaan daahfuray, Burcana kii Kelyaha ayaan xadhiga ka jaray, maantana waxaa aynu joogna Saba-wanaag, taasina waxaa ay muujinaysaa nabadgelyo, horumar waxaanay muujineysa is ogolaanshiyo”

“Waxaa aanu halkan ka boggaadinayna ururka Wada-jir oo oo ah Qurbajoog iyo Qolqol joog isku tashi bulsho wax noogu qabtay”

Leave a Reply