WEEDHA WARGEYSKA : Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland iyo Sannadkii Tagay

0
94

Hargeysa (Dawan) Marka la eego xaaladaha ka aloosan Gobolka geeska Afrika ee isugu jira kuwa colaadeed iyo siyaasadeed, ayaa waxa ay bulshada Caalamka iyo Qaramada Midoobay walaac xooggan ka muujin xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan dalal ka mid Gobolka, gaar ahaan dagaalka ka dhex qarxay dalalka Sudaan iyo Itoobiya iyo ka gudaha Itoobiya ee u dhaxeeya ismaamulka Gobolka Tigray iyo Dawaladda Federaalka ee Itoobiya, ayaa u muuqda dagaallo ay dabada ka kala riixayaan dalalka Masar iyo Ereteeriya.

Dhawrkii sanno ee u dembeeyey waxa ka socday Gobolka isbahaysiyo siyaasadeed oo ku cusubaa Geeska Afrika oo ay yeesheen sannadkii aan kasoo gudubnay dalalka Ereteeriya, Somaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo dhawr jeer oo kala duwan kulano ku yeesheen hoggaamiyayaasha dalalkaasi Caasimadaha saddexdaa dal, inkasta oo aan xog buuxda oo dhammeystirran laga hayn waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Waxa isbahaysigaasi uu shaki geliyey dalalka kale ee Geeska qaarkood sida, Jamhuuriyadda Jibuuti oo khilaaf dhuleed k dhaxeeyo dalka Ereteeriya, geesta kalana waxa marba marka ka sii dembeysa sii xumaanayey cilaaqaadkii ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyey Kiiniya iyo Somaaliya oo gaadhay heer ay labada geesood isku jaraan gebi ahaanba xidhiidhkii dhinaca diblomaasiyadda ee u dhaxeeyey labada dal.

Xiisadaha kale ee ka jira geeska Afrika ee dabka ku sii shiday colaadahaha iyo siyaasadha ismari-waaga ee ka jira Gobolka, waxa ka mida arrinta biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ka dhisatay dhinaca Waqooyiga Itoobiya ee ay ka soo rogmadaan biyaha webiga loo yaqaan (Blue Nile), kaas oo ay isku khilaafsan yihiin dhismihiisa iyo qaabka biyo qeybsiga, dalalka Itoobiya oo hal dhinac ah iyo Masar iyo Sudaan oo isku dhinaca, waxayna xaaladdu haatan maraysaa meel halis ku ah guud ahaan ammaanka mandaqadda, kadib markay guuldarreysteen kulano badan oo layskugu keenay sadddexdaa dal oo ay dhexdhexaadinayeen Ururka Midowga Afrika kulannnada intoodii badneyd.

Si kastaba ha ahaatee Jamhuuriyadda Somaliland waxay kaga dabaalatay qalalaasaha siyaasadeed iyo colaadeed ee sannadkii tagay ka bilaabmay Gobolka Geeska Afrika, siyaasad ku dhisan degganaansho iyo wax wada qabsi, iyadoo isla markaana ay Xukuumadda talada dalka hoggaamisaa iska fogaysay inay wax faragelin ah ku yeelato khilaafyada siyaasadeed iyo dagaallada ka socda dalal ka mid ah kuwa Gobolka.

Siyaasaddaa cusub ee ay Somaliland dhidibada u aastay, waxay usoo jiiday guulo diblomaasiyadeed oo u quus gooyey dhammaan cadowga Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay ka garaabaan dalal ka mid ah kuwa Geeska Afrika jiritaanka Qadiyadda Somaliland, sida siyaasiga weyn ee reer Kiiniya ee la yidhaa Raila Odinga oo si cad ugaga dhawaaqay fagaare, in Somaliland aanay waxba kaga duwanayn dalalka kale ee Caalamka ee dal kale ay ka go’een ee la ictiraafay sida, Serbia, Croatia, South Sudaan iyo kuwa kale oo badan.

Guulaha kale ee sannadkii tagay laga soo hooyey Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee JSL, waxa ka mid ahaa booqashadii dalka Kiiniya ee sida rasmiga uu Madaxweyne Uhuru Kiinyaati ugu fidiyey sannadkii tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana ka dhashay kulankii labada Madaxweyne heshiisyo ay ka mid yihiin wax wada qabsiga dhinacyada Ganacsiga, Waxbarashada iyo diblomaasiyadda, iyadoo sannadkan horraantiisa ay Kiiniya ka furanayso Safaaradeed Caasimadda JSL ee Hargeysa.

Xidhiidhada kale ee sannadkii tagay ay ku guulaysatay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee ugu sannadkii la soo dhaafay, waxa ugu miisaan cuslaa kii dhexmaray dalalka Taiwan iyo Somaliland oo midba ka kale ictiraafay, isla markaana isku dhaafsadeen Safiirradii u kala fadiya labada dal, kuwaas oo ay munaasabadihii xafladaha furitaanka ee labada Safaaradood, ay rasmiya ahaan labada Madaxweyne ee labada dal kaga soo qeyb galeen khadadka Isgaadhsiinta.

Waxa kale oo dalka booqasho ku yimid Wasiirka Arrimahab Dibedda ee dalka Malawi iyo wufuud kale oo badan oo aanay suurtagal ahayn inaan faalladan kuwada faahfaahino sida Itoobiya, Masar, Shiinaha iyo kuwa kaloo badan, waxase xusid mudan oo ka mid ah guulaha laga gaadhay xagga diblomaasiyadda 2020kii, dalka Itoobiya oo Wakiilkoodii dib ugu soo magacaabay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markuu muddo ka maqnaa Safaaradda ay ku leeyihiin Caasimadda Hargeysa.

Tallaabooyinkaa diblomaasiyadeed ee xidhiidhka ahaa ee xagga diblomaasiyadda ee ay horumarka ka sameeyeen Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu, waxa uu si aan la qiyaasi Karin ugu beeray Madaxweyne Farmaaj-aha Muqdishio xin, xasad iyo khalkhal siyaasadeed, kadib markuu cilaaqaadkii diblomaasiyadeed u jaray dalka Kiiniya, sidoo kalana uu dacwad ka dhan ah dalka Kiiniya oo ku lug lahayd heshiisyada iyo xidhiidhada dhinaca diblomaasiyadda ee ay wada gaadheen Kiiniya iyo Somaliland u gudbiyey Urur Goboleedka IGAD. Haseyeeshee uu ku guuldarreystay kulankii Jibuuti ee IGAD isku soo horfadhiisisay Farmaajo iyo Uhur, iyadoo go’aankii kasoo baxay uu noqday in Madaxweyne Farmaajo gudihiisa hagaajiyo, doorashadana ku qabto waqtigii loo qorsheeyey.

Waa dalkii labaad ee uu xidhiidhka diblomaasiyadeed ugu jaro sababo la xidhiidha cilaaqaad ama heshiisyo dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dal kale, balse waxan leenahay oo aan ku soo xidhaynaa faalladan ( HAGOOG XUME YEELKEEDII ) Somaliland-na xilii kasta ha ku gaadhee waa tii heshay Ictiraaf siday u heleen dalalka kale ee muddada dheer usoo halgamayey xuquuqdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here