ActionAid UK: “Somaliland Waa Dowlad Madaxbannaan oo leh Taariikh Gaara iyo Doorashooyin Dimuqraadi ah”

0
5

London (Dawan) Warbixin ay diyaarisay hay’adda caalamiga ah ee ActionAid UK ayaa si gaar ah uga hadashay farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo diiradda saartay taariikhda, xaaladda siyaasadeed iyo duruufaha bulsho ee labada dhinac. Warbixintu waxay Somaliland ku tilmaantay dal leh dawlad dimuqraadi ah, hay’ado shaqaynaya, ciidamo amni, lacag u gaar ah, baasaboorro iyo hannaan doorasho oo daahfuran, sidoo kale xustay in Somaliland ay leedahay taariikh iyo nidaam siyaasadeed oo u gaar ah.

Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriis ah ilaa ay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960, xiligaas oo ay shan maalmood kadib la midowday Soomaaliya oo xilligaas Talyaanigu maamulayay. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay sannadkii 1991-kii dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda, kadibna ay dhistay hay’ado dawli ah iyo hannaan dastuuri ah oo saldhig u noqday dowladnimadeeda, Isla markaana Dastuurka Somaliland lagu ansixiyay afti dadweyne sannadkii 2001.

ActionAid waxay warbixinteeda ku sheegtay in Somaliland ay leedahay nidaam siyaasadeed oo xasilloon marka la barbar dhigo meelo badan oo dunida ka mid ah, isla markaana ay leedahay hannaan siyaasadeed oo u gaar ah iyo doorashooyin si joogto ah loo qabto. Waxay sidoo kale tilmaantay in Somaliland muddo dheer ku naaloonaysay xasillooni iyo nabadgelyo ka duwan xaaladda ka jirta Soomaaliya.

Dhanka kale, warbixintu waxay si weyn diiradda u saartay xaaladaha bani’aadantinimo iyo dhibaatooyinka bulshadu kala kulanto abaaraha soo noqnoqda, isbeddelka cimilada iyo biyo-yaraanta. ActionAid waxay sheegtay in bulshada reer guuraaha ah ee Somaliland ay si gaar ah ugu nugul yihiin abaaraha, maadaama nolol-maalmeedku ku tiirsan yahay xoolaha iyo roobabka. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay inay Somaliland ka waddo barnaamijyo lagu taageerayo haweenka, carruurta iyo dadka ku nool xeryaha barakacayaasha, iyadoo xoogga saaraysa waxbarashada gabdhaha, iyo sidii haweenku u heli lahaayeen fursado dhaqaale oo ka caawiya inay ka baxaan saboolnimada.

Marka la eego nuxurka warbixinta, ActionAid waxay Somaliland u soo bandhigtay inay tahay dawlad leh nidaam siyaasadeed oo u gaar ah iyo tartan doorasho oo xor ah. Warbixintu waxay sidoo kale si cad u kala saaraysaa xaqiiqada maamulka iyo nolosha dhabta ah ee Somaliland iyo xaaladda aqoonsiga caalamiga ah, taas oo muujinaysa in labada arrimood aanay isku macne ahayn.