Madaxweynaha Somaliland oo Bulshadda ugu Baaqay In ay Ilaashadaan Guusha Himiladda Aqoonsiga ee Rumowday

0
6

 “Siyaasadda waynu ku kala duwanaan karnaa laakiin qadiyada midnimada iyo ictiraafka Qaranku waa wax inaga wadadhaxeeya”

“Gacmaha oo aynu is-qabsano iyo wadajir ayaynu ku gaadhi karnaa himilooyinkeenna qaran”

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan guulaha laga gaadhay himiladii ay Somaliland muddada dheer raadineysay, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo nabadda si loo ilaaliyo danaha qaranka. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay heshay aqoonsigii ay sugaysay 35-kii sano ee la soo dhaafay, isaga oo carrabka ku adkeeyey in shacabka Somaliland ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta guushaas iyo sii wadista dedaallada lagu gaadhayo himilooyinka qaranka.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in Xukuumaddiisu ay sii wadi doonto dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xoojinayo xidhiidhka caalamiga ah iyo raadinta dalal kale oo aqoonsada Somaliland. Waxaanu tilmaamay in guulaha qaranka lagu gaadhi karo oo keliya midnimo, wadajir iyo isku duubni. Isla markaana ay waajib tahay in shacabka Somaliland ay si weyn u ilaaliyaan magaca iyo sumcadda Somaliland, nabadoodda, midnimada iyo wadajirkood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay ilaalinta wadajirka bulshada, waxa uu yidhi: “Aqoonsigii aynu raadinaynay 35-ka sano maanta waynu helnay, laakiin waxaynu u baahan nahay inaynu adkaysanno, inta innaga maqanna aynu sii doonno. Waxaynu ku gaadhi karnaa inaga oo gacmaha is qabsanna gudo iyo dibadba, midnimo, nabadda oo aynu ilaalinno iyo magaca Somaliland oo aynu dhowrno ayaynu ku dooni karna himaladeena, laakiin qaybsanaan kuma dooni karno.”

Waxa kale oo Madaxweynuhu shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay mideeyaan dedaalladooda ku aaddan qaddiyadda ictiraafka, isaga oo xusay in himililada, qaddiyadda, aqoonsiga iyo midnimada Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay masuuliyad ay wadaagaan dhammaan shacabka Somaliland, Waxaanu yidhi Madaxweynuhu “Inta inaga maqanna waxaynu ku dooni karnaa in gudaha Somaliland aynu hagaajisanno oo aynu ilaalinno, balse kala qaybsanaan kuma dooni karno. Siyaasadda waynu ku kala duwanaan karnaa, xisbiyo ayaynu ku kala jiri karnaa, taasina dhibaato ma leh. Laakiin qaddiyadda midnimada iyo ictiraafku waa wax inaga wada dhexeeya; qofka masuulka ah ee imanayaana wuu doonayaa, kan joogaana wuu doonayaa. Sidaa darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa in aynu dhammaanteen ka qayb qaadanno ilaalinta nabadda.”

Guntii iyo gabagabadhii hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu xambaarsan yahay farriin ku qotonta muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo wadajirka bulshada, xoojinta midnimada iyo iskaashiga shacabka iyo xukuumadda, si loo sii ambaqaado himilooyinka qaranka Somaliland. maadaama Ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo sumcadda qaranku ay saldhig u yihiin horumarka iyo xaqiijinta yoolalka mustaqbalka ee Somaliland.