Trump oo macasalaameeyey Aqalka Cad, xilwareejinta ka hor

0
1015

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jeediyay khudbadiisii maca-salaameynta ahayd ka hor intaanu xafiiska ka tagin, xilli uu u dhoofay gobolka Florida saacado ka hor munaasibada caleemo-saarka madaxweynaha isaga bedelaya ee Joe Biden.

Trump ayaa sheegay inuu qabtay wixii loogu doortay madaxweyaha Maraykanka, isagoo yidhi”waan sameynay wixii aan u nimid in aan sameyno- iyo ka badan-ba.”
Muqaal la soo galiyay barta Youtube-ka, ayaa waxa uu ku sheegay in uu galay dagaalkii ugu adkaa oo sababtiisu ahayd gaadhista wixii loo doortay.
Mr Trump ilaa iyo imika si rasmi ah uma aqbalin natijadii ka soo baxday dorashadii Mareykanka ka dhacday bishii November ee uu kaga guulaystay murrashaxii xisbiga Jamhuurigu.
Mr Biden ayaa maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaarinaya xilka madaxwaynanimada Maraykanka, laakiinse Mr. Trump kama qaybgeli doono xaflada dhaarinta iyo caleemo-saarka madaxweynaha cusub.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump waxaa hareeyay weerarkii taageerayaashiisu ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska.
Hase yeeshee, Trump waxa uu weerarkaasi mid aan loo baahnayn ku tilmaamay saacadiii u dambeysay ee muddo xilleedkiisa maanta dhamaaday.
Xasilooni darradii iyo cadhadii uu Trump ka abuuray Aqalka Cad waxay isugu soo ururtay weerarkii labo toddobaad kahor loo geystay Capitol Hill, taas oo caradii ka dhalatay ay muddo qaadan doonto inay baaba’do.
Kaddib afar sano oo uu xilka hayey, Trump wuxuu dowladda Mareykanka ka tegayaa iyadoo beddelan. Taasina waa ugu yaraan in uu fuliyey ballanqaadkii uu sameeyey.
Mr Biden iyo xaaskiisa Jill Biden ayaa Salaadadii ka tegay gurigooda ku yaalla Delaware si ay ugu laabtaan Washington, halkaas oo uu sanatar ka ahaa 36 sano kahor inta uusan madaxweyne ku xigeen u noqon Barack Obama laga soo bilaabo 2008 ilaa 2016.
Magaaladan ayuu sheegay in ay Wadnihiisa ku qornaan doonto ilaa marka uu dhinto.
Wuxuu maanta tegi doonaa Aqalka Cad, kadibna waxa uu u sii gudbi doonaa Capitol oo ay ka dhacayso xafladda caleema saarka saacaddu marka ay tahay 12:00 (17:00 GMT).
Waa caleema saar ka duwan kuwii hore, ammaanka Washington ayaa aad loo adkeeyay kaddib weerarkii Capitol, iyadoo halkaas la geeyay kumannaan Ilaalada Qaranka ah.
dad kooban ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan National Mall si ay goobjoog uga noqdaan dhaarinta, iyadoo ay markii hore ka qeybgeli jireen boqollaal kun oo qof.
Dadka aan ka soo qeybgeli doonin waxaa ka mid ah Mr Trump oo saaka u duulay Florida – wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ka qeybgelin caleema saarka madaxweynaha xilka kaga guuleystay tan iyo Andrew Johnson sanadkii 1869.
Taasoo ka dhigan in Taariikhda Maraykanka ee daah-furnaanta Doorashada iyo isbedellada hogaamintu dib u noqotay 152 sannadood.

Leave a Reply