Beentu Nolosha Ayay Burburisaa!

0
187

Wakhtigii uu Ruushka ka talin jirtay nidaamka boqortooyada ayaa la sheegay in Taajkii dahabka ahaa ee boqortooyadu lumay, ka dib markii safar la galay. Dhamaan ciidankii iyo dadkii Ruushka waxa ay raadinayeen Taajka boqortooyada ee muhiimka ah.

Nin aan maskax aan dhamayn oo u dhashay dalka Holand ayaa dadkii weydiiyay waxa ay dadkan oo dhami raadinayaan?. Dadkii ayaa ugu sheegay inay raadinayaan taajka Boqorka oo lumay.

Ninkaasi maskax ahaan aan dhamayn ayaa ku yidhi :” Tajka anigaa helay oo haya”. Dadkii waxa ay bilaabeen inay ciidanka gaadhsiiyaan warkaasi muhimka ah si ilaalada boqortooyadu ninkaasi ugu yimaadeen oo Taajka loogu celiyo boqorka.

laakiin markii ay ciidaanka ilaalada boqorku u yimaadeen waxa uu sheegay inay beentii ahayd oo aanay jirin haba yaraatee wax Taaj ah oo uu helay. Ilaalada boqortooyadu ninkaasi warkiisa aad ayay uga cadhoodeen waana ay qabteen oo isla markiiba waa ay gubeen isagoo nool. Dembiskiisana waxa ay sheegeen inay ku daadiyeen dhinaca dalka Poland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here