Wargeyska Dawan waxaa uu u Mahad-naqayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Dadkii wax soo gaadhsiiyay Hooyo Canab

0
616

Hargeysa (Dawan)  Wargeyska Dawan media group waxaa uu u mahad celinaya cidkasta oo ka soo jawaabtay warkii aanu ka baahinay, qoys danyara oo xaaladdo caafimaad darro la soo darseen, islamarkaana ubadkooda waxbarashada dugsiyada dawladda laga soo eryay.

Anniga oo ah wariye Siciid Faarax Muuse (Cagjar) oo ka tirsan, waxaanu si gaara ugu mahad naqayna wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, oo kafaalo qaaday waxbarashadii ubadka qoyskaas iyo dad muxsiniina oo gacan ka geystay baahida noloshooda.

Waxaa naga go’an wargeys Dawan ahaan in aanu soo bandhigno, islamarkaana bulshada gaadhsiino cidkasta oo duruufo nololeed la daristo, si ay umaddu wax ugu qabato.

Cidkasta oo qoyskan wax soo gaadhsiisay waanu u mahad celinayna, welina baahidii Hooyo Canab Cumar Muxumed waa ay taagan tahay ee cidii waxtari karta ha soo gaadhsiiso.

Halkan ka Daawo

 

 

 

Leave a Reply