Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Dil ka Dhacay Buuhoodle

0
828

Buuhoodle (Dawan) Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta, mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ka hadlay dil ka dhacay degaanka Buuhoodle, gaar ahaan degaanka loo yaqaano Dandan oo 20 km u jirta magaalada Buuhoodle.

Waxaanu bulshada degaanka ugu baaqay in fidnada halkaasi lagu qabto, oo aan dilkaasi dil ka danbeeya dhicin lagana wada shaqeeyo nabadgelyada iyo soo qabashada gacan ku dhiiglihii dilkaasi geystay.

Waxaa kale oo uu wasiirku tacsi Qaran u dilay, ehelkii, asxaabtii iyo Qaraabadii,  marxuumkaasi ka geeriyooday, waxaanu marxuumka ALLE uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

Wasiirka Qambi oo arrimahaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Waxaan halkan Tacsi uga diraya bulshaweynta magaalada Buuhoodle, dadweynaha magaalada Qurilugud, waxaan tacsi u dirayaa, beesha, jifada, ehelada, qoyska iyo qaraabada, dilkaasi oo ka dhacay meel 20 km u jirta magaalada Buuhoodle oo Dandan la yidhaahdo, ninka halkaasi dilka loogu geystay xoolihiisiina waala dhacay, gacan ka horreysay oo nin lagu dhaawacay ninkalena lagu dilay waa ay jirtay, ninkalena waa uu ka horreeyay, fidnadiina hadda way ballaadhatay oo way korodhay bulshaduna meel ay joogtaba way ka hadashay, ninkaasi waa laga gardarnaa”

“ILLAAHEY waxaan ka baryayaa fidnada halkaasi ka socota in uu joojiyo, fidnadu hadda way sii ballaadhatay oo waxa ay yeelatay dhibaato aad iyo aad u badan”Ayuu yidhi Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbe.

Wasiirka ayaa bulshada reer Buuhoodle farriin u diray waxaanu yidhi. “Bulshada reer Buuhoodle waxaan leeyahay waar fidno aan qof ku ekaanayn qofkii gaystay, kicintuna waa dhibaato adduun, kuwa ka shaqeeya, kuwa abaabula, kuwa raallida ka ah,  in aan ixsaan iyo wanaag midna laga helayn waa la og yahay”

Waxaanu sheegay in hawshaasi sugayso dadka degaanka iyo cidkasta oo gacan ka geysaneysa soo qabashada gacan ku dhiiglaha. “Dadka degaanka Buuhoodle ayuunba arrinka soo qabashada ninkaasi u yaalla odayada, duqayda, waxgaradka, culimada, inta wanaaga jecel, hawshaasina xalinteeda iyo wax ka qabashadeeda waxaa ku hawlan odayaasha, waxgaradka iyo culima aw diinka Buuhoodle”

Leave a Reply