“Waxaanu Diyaar u Nahay Inaanu Kala Shaqeynta Maraykanka Difaaca iyo Taageerada Sharafta Aadanaha”

0
664

Washington (Dawan)- “Somaliland iyo Maraykanku waxay wadaagaan dano istiraatiiji ah iyo iskaashi sare oo soo jireen ah, taasoo muddo dheer ku taageeraynay joogitaanka Mareykanka ee Geeska Afrika.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha kooxda uga ololeysa Madaxbanaanida Somaliland Maraykanka, oo lagu baahiyey The Times News shalay isla markaana loogu hambalyeeyey Madaxweyne Biden iyo ku xigeenkiisa Harris ayaa lagu sheegay in guushoodu muujinayso ku qanacsanaaanta shacabka Maraykanka waaya-argnimadaada siyaasadaha gudaha iyo dibedda.
Ku lug lahaanshaha Maraykanka ee arrimaha bani’aadamnimada ee Somaliland iyo horumarka dimuqraadiyadda Afrika, waa tusaalooyin geesinimo leh oo Mareykanku ku saxayo khaladaadkii hore, iyada oo si gaar ah isha loogu hayo jihada siyaasadeed ee maamulka Mareykanka ku bedeli doono, iyo siduu u tixgelin doono shuruudaha ay hadda ku sugan tahay Somaliland ee suurtagalka ah ku lug lahaanshaha dadban ama ka toosan ee maamulkaaga.

Somaliland waxay mar kale soo bandhigtay muhiimadda ay leedahay kobcinta hay’adaha dimoqraadiyadeed iyo hanaanka doorashooyinka, waxayna rajeyneysaa inay sii wado wada shaqeynta Madaxda iyo xukuumada Maraykanka.
Waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqeynta Maraykanka iyo Caalamka difaaca iyo taageerada sharafta aadanaha oo dhan.

Dhinaca kale, Safiirka JSL u fadhiya dalka Maraykanka ayaa bogaadiyey u dhaarinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka xilalkooda cusub ee Maraykanka.

Fariin lagu baahiyey barta Safaarada JSL ee Maraykanka Arbacadii ayaa lagu yidhi,
“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyada Somaliland, waxaan u rajeynaynaa Madaxweyne Joe Biden iyo ku-xigeen Kamala Harris, inay u hogaamiyaan guul Maraykanka, xilligan cusub. Somaliland waxay rajaynaysaa iskaashi ku saabsan qiyamka la wadaago ee nabada aduunka, dimuqraadiyada & barwaaqada.

Leave a Reply