Xukuumadda Somaliland oo Xoojinaysa Amniga gobollada Dalka

0
546

Hargeysa-(Dawan)- golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laamaha Amniga ee dalka ku adkeeyey inay xoojiyaan Amniga qaranka.

Ciidanka ayaa la faray in ay amniga aad u adkeeyaan inta lagu jiro u diyaar-garowga doorashooyinka illaa maalinta la dhamaystirayo hawlaha doorashooyinka,

waxana la faray in ay siina laban-laabaan dedaalkii ay horeba ugu jireen. Guddi-hoosaadka siyaasadda ee golaha wasiirraduna hubiyaan fulinta qodobbadkaas, dersaanna wixii caqabad ah ee ka iman kara, si loo xalliyo.

Leave a Reply