Wejiga Labaad ee Qaab-dhismeedka Iyo Casriyeynta Laamaha Dawladda oo La Daah-furay

0
558

Hargeysa-(Dawan)-Munaasibadda Daah-furka ayaa waxa ka qeyb-galay Gudoomiyaha HSHD, Wasiirka wasaarada shaqadda iyo arrimaha bulshadda.

Waxa kale oo munaasibadda kasoo qeyb-galay agaasimayaasha guud ee ee 8-da Wasaaradood ee laga hir-galinayo wajiga 2-aad ee qaab-dhismeedka iyo casriyaynta.
ugu horayn,Madaxa Barnaamijka dib-u-habaynta shaqaalaha Dawladda ee baanka aduunka, Cabdi Aaddan Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay,ayaa xusay qodobada ay koobsanayso Casriyaynta Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda,kuwaas oo ay ka mid tahay qiimayn lagu sameeyo aqoonta shaqaalaha iyo khibraddooda,Siyaasadaha iyo habraacyadda wasaaradaas u yaalla,taas oo ugu danbaynta la doonayo in lagu gaadho qorshe-is-bedel oo balaadhan in mustaqbalka dhaw lagu fuliyo Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda,arrintaas ay hir-galinayaan Agaasimayaasha Guud iyo Ag/Waaxeedyadda.
Dhinaceeda, ag/Waaxda Qaab-dhismeedka ee HSHD, Farax Cismaan Jaamac ayaa sheegtay in muhiim ay tahay inay Agaasimayaasha guud ay la yimaadaan ka-go’naanshiiyo in sida ugu haboon loo fuliyo shaqaddan,agaasime-waaxeedyaduna ay farsamahaan ay fududeeyaan sidii xogta ugu munaasibsan ula wadaagi lahaayeen Madaxda ka saraysa.
Dhinacooda Cumar Qolombi iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Xaad oo ka mid ah Saraakiisha Shirkadda PARTICIP-DANSOM oo iyadu ah shirkadda Wasaaraddahan ka fulinaysa hawshan ayaa sheegay inuu mashruucani socon doono Muddo shan bilood ah,isla-markaasna ugu danbeynta laga soo saari doono Qaab-dhismeed guud oo ay Dawladdu ku shaqayn doonto,Madaxweynuhuna uu saxeexo.
Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Farxaan Aaddan Haybe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dul-is-taagay waxyaabaha wajigan labaad ee casriyaynta Wasaaraduhu kaga duwan yahay kii hore ee laga fuliyay 16-ka Wasaarood oo ay ugu mudan tahay;
In 16-kaas wasaaradood ay Hay’adda kala shaqeeyeen La-taliyayaal ajnabi ah,balse 8-dan Wasaaradood ay nasiib u yeesheen shirkad ay hogaaminayaan aqoon-yahano iyo Xirfadlayaal reer Somaliland ah.
Waxa kale oo gudoomiyuhu sheegay inay Shirkaddani ay tababar siin doonto W/ Qaab-dhismeedka ee Hay’adda shaqaalaha oo iyagu nidaamka casriyaynta ka hir-galin doona Hay’adaha Madax-banaan ee Dawladda.
Gabo-gabaddii waxa uu Gudoomiyuhu kula dardaarmay Ag/Waaxeedyada inay si dhaw ula shaqeeyaan Shirkadda hawsha fulinaysa,isla-markaasna ay xogaha muhiimka ah ee ay uga baahan yihiin siiyaan,si Qaab-dhismeedka ugu munaasibsan u sameeyaan.

Leave a Reply